Shirkad Maalgashanaysa Kaluunka Wadanka Oo Xaflad Balaadhan Ku Qabatay Berbera

0
668

Picture2Bebera (Geeska) – Huteelka Barwaaqo ee Magaalada Berbera, ayaa waxa shalay lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo lagu shaacinayey shirkadda Pontus Marine LTD oo ka shaqeyn doonto iib-geynta kaluunka Somaliland.

Madaxda shirkadda Pontus Marine LTD, oo hore Munaasibaddo noocan oo kale ah ugu qabtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, si ay shacabka ugu sharaxaan hawlaha ay qabanayso shirkaddani, ayaa masuuliyiintii iyo dadkii kale ee xafladdaasi ka qayb-galay u sharaxay in shirkaddani ka shaqeynayso sidii ay suuqyada caalamka u geyn lahayd kaluunka baddaha Somaliland ceegaga si shacabka looga faa’ideeyo.

Masuuliyiinta shirkadda caalamiga ah ee Pontus Marine LTD oo maalgashi ku samaynaysa kaluunka Somaliland, ayaa sidoo si la mid ah xafladahoodii hore soo bandhigay in ciddii danaynaysaaa ay maalgashan garto shirkadda Pontus Marine LTD, si ay qayb uga qaadato horumarinta lagu samaynayo maalgashiga kaluunka iyo khayraadka baddeena ku jira.

Sidoo kale, masuuliyiinta shirkaddan ayaa waxay sheegeen inay diyaar ula tahay guud ahaanba ganacsada Somaliland inay qayb ka qaataan maalgashiga oo ku soo biiraan shirkaddaasi, waxayna tilmaameen inay ugu yar tahay maalgashiga lagaga qaybqaadanyo lacag gaadhaysa $ 500 Dollar.

Xafladdan  ayaa sidoo kale, waxa ka qayb-galay Madax-dhaqameed uu ka mid yahay Suldaan Maxamed Axmed Sheekh oo ka mid ah salaadiinta Gobolka Saaxil ee Somaliland iyo madax-dhaqameed kale, waxayna halkaasi ka jeediyeen hadalo koob kooban oo ay ku amaaneen dedaalka shirkadda Pontus Marine LTD, waxayna shacabka iyo ganacsatada ugu baaqeen isla-markaana ku dhiirigaliyeen inay ka qayb-qaataan maalgashiga shirkaddani ku samaynayso kaluunka Somaliland.