Xisbiga UCID Oo Jawaabo Kulul Ku Ganay Afhayeenka Madaxtooyada

0
602

Picture3Hargeysa(Geeska)- Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka  UCID ayaa Si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, d, waxa kale oo ay meesha ka saareen Eedo uu Guddomiyahooda iyo Cali guray uu u jeediyey Dhuxul,  waxaayna sheegen in hadalka soo Baxay Af-hayeenka Madaxtooyada uu yahay mid aan Sal iyo raad toodan lahayn oo ay ka muuqato waayo arag la’aan.

Sidaasi waxa ay ku sheegen  Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta guud ee Xisbiga ucid ee Magaalada Hargeysa.

Xoghayihii Hore ee Xisbiga Ucid Md. Maxamuud Cali Muuse (Jiir Cali Madoobe) oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in nasiib darro tahay in Qof sheeganay in uu yahay Af-hayeenka Madaxtooayda uu ku hadalo hadalo af-lagaado ah oo aan sal iyo raad toona lahayn waxaanu yidhi.“Waxaan Maanta Doonaynaa in aanu ka hadlano hadal ka yimid, nin lagu sheegay in uu yahay Af-hayeenka madaxtooyada oo la yidhado Dhuxul oo isagu ka shaqayn jiray idaacadii Horyaal la odhan jiray, kuna can baxay af-lagaadeynta iyo iska horkeenka beelaha Somaliland, waxaanu masuul ka ahaa Mashaqadii ka dhacday Galbeedka Somaliland oo uu buunbuuniyey kana sii dayey idacadaasi horyaal la odhan jiray, runtii lama siina dhuxul mana ah ninkii faysal Cali Waraabe iyo Cali Guray u jawaabi lahaa, Faysal Cali waraabe waa nin caan ah oo la garanyo oo dalka Somaliland waxa uu u taray dadka reer Somaliland wada og-yihiin, Faysal waxa uu somaliland badbaadiyey Boqol jeer oo Somaliland Jar ka sii laaladay, Faysal waa Ninkii Axsaabtan aynu ku faanayno horseedka ka ahaa markii uu Kulmiye uu diiday in uu isdiwaangaliyo, laakiin Faysal waxa uu ahaa Qofkii mar walba garab taagna in Axsaab la furro oo Marxuum Cigaal mar walba ku boorinayey in Axsaab la furro, waana ta Inankan Yar ee Dhuxul la yidhado Madaxtooyada ku joogo.”Ayuu yidhi Jiir.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey .”Eng.Cali Guray  oo ahaa mujaahid caanka ah  dalka oo ay soo wada shaqeeyen ninkan Madaxweynaha Maanta ah, markaasi Xaguu joogay dhuxul wuxu ahaa dadkii dalkan loogu yimid ee aan waxba ka garanaynin Jabhadnimo iyo wixii dadkan iyo dalkani uu soo maray, dhimashadii iyo dhawicii iyo kumanaankii  qof ee ku dhintay dalkan, ee maanta lala  soo noqday qaranimadiisi,  dhuxul wixii wax dilayey ayuu agtaagnaa wixii wax dhacayey ayuu   runtii taariikhda dhuxul waa la garanayaa, ma ah Cali Guray oo mujaahid ahaa in uu u jawaabo inan yar oo aan la garanayn meel uu dalkan ka soo galay.”Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalka sii watana waxa uu yidhi. “Marka Xukumada dhaliil la wada arkayo la tuso oo ay ka mid tahay taa Taleex ka dhacaysa ee Puntland qabsatay, in laga gubto ma ah, lakiin waa in talaabo laga qaada oo wixii khaldamay la saxaa, lakiin in lagu soo boodo qofkii wax sheegay ma ah in afka lagag boodo, adeer dalkii qayb dhan ayaa maqan waana la sheegay lana qarinmaayo, anagu mucaarid wax toosinaya ayaanu nahay wixii Muqda sheega, lakiin siddiini waxaan jirin uma mudaharaadayno Shaadhka bandhaladan uma furanayno, Dhuxuloow in badan maad jirin, waayo waxa ku cadeynaysa in aanad inbadan jirin, faysal iyo Cali Guray waa Birimagaydadii dalka, hadanay jirin dalkani oo aanay joogin wax aan aaminsanahay in dalkani jar ka dhaadhici lahaa.”Ayuu yidhi .