Culayso Diblomaasiyadeed Oo La Filayo Inay USA Iyo UK Ka Baajiyaan Weerarka Suuriya

1
680

Picture1London(Geeska/W.Wararka)-Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, waxa fuulay culaysyo diblomaasiyadeed oo ku cadaadinaya inay dib u dhigaan weerar ay qorshaynayan inay ku qaadaan dawladda Suuriya ee Bashaar Al Asad, oo lagu eedaynayo inay dadkeeda u isticmaashay sunta kiimikada ee wax gumaada.

Waxa labadan dawladood loogu baaqayaa inay dib u dhigaan dagaalkaas oo ay sugaan warbixinta ay diyaarinayaan guddiga baadhista ee ay Qaramada Midoobay u dirtay Suuriya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ayaa shalay sheegay inay diyaarinta iyo ururinta xogta guddigaasi ay wakhti u baahanahtay, waxaanu sheegay inay xog ururinta guddigaasi u baahantahay afar maalmood, iyadoo markaas ka dibna loo baahanyahay wakhti dheeraad ah oo macluumaadkaas lagu faaqido.

Washington iyo London, waxay doonayeen inay maalmahan fuliyaan weerarkaas, waxase jira culaysyadaas diblomaasiyadeed. Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron, ayaa u muuqda inuu sugayo inta dagaalkaas ogolaansho looga helayo golaha ammaanka, haddii uu ka hordhacana waxa suurtogal ah inay kacdoono siyaasi ahi dalkiisa kaga kacaan.

Xisbiga shaqaalaha ee Ingiriiska ayaa sheegay inay dawladda iyo David Cameron dagaalkaas ku taageeri karaan oo keilya haddii golaha ammaanka laga helo ogolaansho islamarkaana la helo cadaymo muujinaya hubkaas kiimikada ah ee ay Suuriya isticmaashay.

Faransiiska ayaa isna ah dawladda saddexaad ee Ingiriiska iyo Maraykanka kula socota in la weeraro dalka Suuriya si talada looga tuuro Madaxweyne bashaar Al Asad. Laakiin dawladda Jarmalka oo ah dawladda ugu dhaqaalaha badan wadamada Yurub ayaa iyadu u muuqata inaanay dagaalkaas ka qayb geli doonin, wuxuuna dalkaasi mashquul ku yahay doorasho dhawaan ka qabsoomaysa.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa iyaguna si adag uga horyimid weerar dalka Suuriya lagu qaado iyadoon laga ansixin golaha ammaanka, waxaanay sheegeen in talaabadasi ka hor imanayso shuruucda caalamiga ah.

Comments are closed.