“Xisbiyada Mucaaradka Cajalada Ayaa Kaga Dhegtay Doorashada. Tabashada Reer Awdalna Madaxweynaha Ayaa Laga Sugayaa Jawaabteeda”

0
473

Picture5Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa jawaab ka bixiyey hadalada ka soo yeedhaya Xisbiyada  Mucaaradka oo marar badan sheegay inay Xukuumaddu doonayoa inay Doorashadu dib u dhacdo, si muddo kordhin loogu sameeyo.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay tabashada reer Awdal ee ay Madaxweynaha u soo gudbiyeen, waxaanu xusay inay xaq u leeyihiin tabashadaas, isaga oo tilmaamay in Madaxweynaha laga wada sugayo inuu ka jawaabo tabashadaas.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay wada hadlalada uu Turkigu Somaliland iyo Somaliya dhex dhexaadinayo, waxaanu sheegay in aanu marnaba Turkigu dhex ka ahayn. Isagoo  ugu horayn  u jawaabaya xisbiyada mucaaradka wuxuu  yidhi  “Xisbiyada Mucaaradka cajaladaa  kaga dhagtay Doorashada, oo wax kale oo ay umadda u sheegaan ayey garan waayeen, waxayna Cajaladu kaga dhagtay Xisbiyada Mucaaradka Doorashadu wey dhacaysa iyo Doorashada dhici mayso, waxa aanu leenahay waxa kale Umadda u sheega, Doorashada Komishanka ayaa ku shaqo leh, Doorashadu haddii ay qabsoomayso iyo haddii aanay qabsoomayninba waxa warka laga sugayaa  Komishanka,  anaguna diyaar ayaanu u nahay in aanu Doorashada galno”

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa mar uu ka hadlaayey Tabashada ay Odayaasha reer Awdal u soo gudbiyeen Madaxweynaha yidhi “Reer Awdal tabashada xaq ayey u lahaayeen, xaqna wey u leeyihiin waxa ay tabanayaan inay sheegaan, Somaliduna waxa ay tidhaahda Nimaan hadal Habartii qadisay, in lala yaabana maaha in qofku yidhaahdo waxaas ayaan tabanayaa, oo loo jawaaba, oo waxa uu daw u leeyahayna la yidhaahda daw ayaad u leedahay, oo laga garaaba, wixii aanu daw u lahayna la tusaa sida aanu dawga ugu lahayn, Madaxaweynaha ayaana laga sugayaa jawaabta tabashadooda, oo sida ay uga sugayaan ayaanu anaguna uga sugaynaa iyo inuu u jawaabo”.

Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo sida uu Turkigu uga qeyb qaatay ayaa yidhi “Anigu ma qabo inuu Turkigu dhex dhexaad ka ahaa wada hadalada, oo waxa jira Gobolka ka tirsan dalkiisa oo doonaya inay ka go’aan, oo uu diidan yahay, oo waxa aynu ogeyn meesha la yidhaahdo Kambaadha, oo Kurdishku doonayey inay galaan, oo Ciidamadiisa oo halkan taagan ayaa la leeynayey Kurdishka, oo waxa goosashada doonaya Kurdishka Ciraaq degan, Kurdishka Suuriya degan iyo Kurdishka Turkiga degan, markaas Ninka yidhaahda Turkigu wada hadalada ayuu dhex dhexaad ka yahay waa nin aan habeena jirin, oo wadan kala go’aya ma taageeri karo, waxa taageeri kara oo ah inaynu wax la qabsano oo aynu la xidhiidhno Ruushka , oo Ruushka ayaa wada wax furfur, oo wax kala diraya, oo ka dhaw Turkiga, oo ogol in la kala go’o, balse maaha in lagu mareeysto Turkiga, oo waxa uu dhisaya Somaliya, Caasimaddii ayuu u dhisayaa, oo inaga waxa uu ina odhan doono kaalaya, oo wax fikir ah kamuu haysan ilaa Madaxweynuhu uu u akhriyey mawduuc dhan, oo ku saabsan wixii dhacay, wixii la soo maray iyo sidii lagu kala go’ay, iyo halgankii la soo maray, Ninka Turkiga haystaana waa Nin Madax adag, oo doonaya in aanay waxba marin”

Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Waxa aan Bulshada ku dardaarmayaa inay Nabadgeliyada ilaashadan, oo wax alaale wixii Nabadgeliyada wax u dhimayana Ciidamada Amaanka kala shaqayeen.”