Shirka Madaxda Saxaafadda Afrika Oo Addis Ababa Ka Furmaya Iyo Xubno Somaliland Uga Qaybgalaya

0
460

Picture3Hargeysa(Geeska)-Shirka sannadlaha ah ee madaxda saxaafadda Afrika ayaa Arbacada beri ka furmaya magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, waxaana shirka qaban qaabinaya ururka lagu magacaabo African Media Leaders Forum, oo ah dalad ay ku bahoobeen madaxda saxaafadda ee qaaradda Afrika.

Shirkan oo ah mid ay hoggaamiyayaasha saxaafadda Afrika isugu yimaadaan waxa sannadkan la filayaa inay ka qayb galayaan hoggaamiyayaal saxaafadeed oo ay tiradoodu gaadhayso 600 oo  saxafi kuwaas oo imika ku sii qulqulaya magaalada Addis Ababa, waxaana sannadkan lagaga hadlayaa horumarka saxaafadda Afrika, caqabadaha soo waajaha iyo sida ay saxaafadu uga qayb qaadan karto horumarka guud ahaan qaaradda, iyadoo uu furi doono raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana guddoomin doona guddoomiyaha Midowga Afrika Dr Donald Kaberuka oo ay weheliyaan madaxda Baanka horumarinta Afrika Dr. Carlos Lopes, xoghayaha fulinta Qaramada Midoobay ee waaxdeeda dhaqaalaha ee Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-zuma oo xaruntiisa uu shirku ku qabsoomi doono, waxa kale oo isna maalmaha uu shirku socdo khudbad ka jeedin doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dhinca wadanka Somaliland waxa uga qayb galaya afar saxafi oo kala ah Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) oo ka socda Wargeyska Geeska Afrika, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ka socda wargeyska Waaheen, xoghayaha SOLJA Maxamed-Rashid Muxumed Faarax iyo Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ah guddoomiyihii hore ee SOLJA, waxaanay ku biirayaan madaxda saxaafada Afrika ee shirkaas ka qayb galaya.

Shirkan sannadkan oo ku soo beegmaya 50 guurada ka soo wareegtay aasaaskii Midowga Afrika, waxa sannadkan ka qayb galay madaxdii warbaahineed ee ugu tirada badnayd ee ka socota qaaradda Afrika.