Iskaashatada Baabuurta Gobalada Isaga Goosha Oo Cabasho Ka Muujiyay Basas Shaqadooda Ku Qabsaday

28
768

Picture2Hargeysa (Geeska) – Guddiyada iskaashatooyinka gaadiidka dadwaynaha ee u kala baxa gobollada dalka, ayaa cabasho xoogan ka muujiyey basaska waaweyn ee Hargeysa qaarkood oo isku qaybiyey kuwo caasimadda ka dhex shaqeeya iyo kuwo u baxa gobollada dalka, taasi oo cidhiidhi galinaysa gaadiidkii hore ugu bixi jiray Gobollada.

Xubno ka mid ah guddida iskaashada gaadiidlayda gobollada dalka oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa fariin u diray xukuumadda iyo hay’adaha amaanka dalka, waxayna tilmaameen in talaabada ay qaadeen iskaashada basaska Hargeysa (Hargeysa City Bus) ee ah inay gaadiidka yaryar ku cidhiidhiyaan shaqadii ay ka hayeen Gobollada, iyaga oo sidoo kalena soo bandhigay dhibaatada dhanka dhaqaale ee haysata.

Cabdi Dayib Guuleed, oo ka mid ah masuuliyiinta Iskaashada gaadiidka Gobollada oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu isugu nimid oo aanu ka cabanaynaa iskaashatada basaska waaweyn ee Caasimadda Hargeysa oo is feeraariyey oo isku qaybiyey Gobollada iyo Hargeysa gudaheeda, waxayna sheegeen inay gobolladana ka shaqeynayaan, Magaalada gudaheena ka shaqeynayaan”

Mr Cabdi Dayib, waxa kale oo uu sheegay “Haddii aan hoos u dhaadhaco iskaashatada baabuurleyda Galbeedka faro badnaan awgeed wuxuu gaadhigii farsadda u dhaxaa 7 habeen, waana la fahmi karaa gaadhi 7 habeen dhaxay wuxuu reerkiisa siiyo, wuxuu cid siiyo iyo wax uu cashuur ka gooyo, sidaas ayaanu haddana nabadgalyada kaga shaqeynayaa oo gaadhi walba qofba fuula waanunaqanaa, boorsada u qofku sito waala baadhaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Iskaashatada kuwa galbeedka u baxa ama kuwa bariga u baxa nin walba waddo xumo awgeed gaadhi ama laba ayaa kaga dhamaaday, laakiin maanta markii wxii la yara habeeyay in iskaashatada Basaska waaweyni ay weerar soo qaadaan way nagu adkaatay, markaa haddii iskaashatada basaska waaweyni ay garteen inay ka shaqeeyaan Magaalada gudaheeda, Gobolladana u baxaan, waa su’aal la isweydiiyo annaga maxay noogu talo-galeen, annagu waxaanu ogolahay haddii ay gobolladii u baxayaan in aanu annaguna Magaalada gudaheeda la qaybsano, waxaanu nahay 1400 oo gaadhi, intaasiba waxay guri doonaan 1500 SL shilin ee Magaalada Gudaheeda”

Cabdi Dayib, wuxuu fariin u diray xukuumadda “Waxaan leeyahay waa in hay’adaha nabadgalyadu ay arrimahayaga hoos u eegaan oo ay wax ka qabtaan oo aan la dhayalsan, oo aan lix gaadhi loo dhayalsan 1400 oo gaadhi”ayuu yidhi.

Maxamed Ismaaciil Aaden, ayaa isaguna yidhi “Waanu diidan nahay in 1400 oo gaadhi oo ay ku deba nool yihiin mushtamac aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin 2,098 qoys iyo 4,197 qof oo subaxdii u foof taga istaamada, in dadkaa shaqadoodii loo xidho ama loo rafaco dad tiro yar oo 10 baabuur oo gobollada wareegaya loo xidho, waxaanu diidanahay ayay ka mid tahay”

Masuul kale oo ka mid ah ururka iskaashada baabuurta gobollada dalka ayaa yidhi “Arrinkaasi wuxuu nagu noqday mid aan na qabanin, waddankana shuruucda iskaashatooyinka u taalaa way dhamaytiran yihiin. Waxaanu nahay lix iskaashato oo gobollada u kala baxa, waxaanu maamulaa gaadiid tiro badan oo kala duwan oo dhan 1400 oo gaadhi, intayadaa oo mid walba toddobaad joogayo oo marka buuxana buudhku fuulayo. Markaa waxaanu u sheegaynaa madaxda iskaashatada basaska waaweyn inaanu la qaybsan doono gudaha Magaalada haddii ay waxba ka qaban waayaan arrintan.”

Comments are closed.