Shirguddoonka Baarlamaanka Iyo Guddiga Doorashada Oo Shalay Albaabada Isu Xidhay

0
636

 

Hargeysa(Geeska)-Shirguddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiilada ayaa shalay kulan ay albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay guddiga doorashooyinka qaranka, waxaanay labada dhinac iska waraysteen qodobo la xidhiidha xisbiga UDUB.

Kulankaas ayaa markii uu dhammaaday waxa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha guddiga doorashada Md. Ciise Yuusuf Xamari, waxaanu sheegay inay shirguddoonku guddiga doorashadua wax ka weydiiyeen xisbiga UDUB oo doorashada ka hadhay iyo sababaha keenay, waxaanu sheegay inay ka jawaabeen su’aalihii ay shirguddoonku ka weydiiyeen mawduucaas. Laakiin waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo qodobadii ay isla meel dhigeen.

Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa isna ka sokow qabsoomida kulankaas  wuxuu ka gaabsaday waxyaabaha ay labada dhinac isla garteen. Laakiin kulankani wuxuu imanayaa maalin ka dib markii ay shirguddoonka Baarlamaanku kulan sidan oo kale ah la yeesheen madaxda xisbiga UDUB.