Beesha Sacad Muuse Oo Madaxweynaha U Dirtay Fariin La Xidhiidha Dhulka Lagu Muransanyahay

0
750

 

odayaalHargaysa( Geeska )-Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Iyo waxgaradka beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, ayaa ka hadlay muranka dhuleed ka taagan deegaano ka mid ah waqooyiga Hargeysa, waxaanay madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo jeediyeen in deegaanadaas arinkooda uu ka taliyo.

 

Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha beelaha Sacad-muuse ee shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa si adag u canbaareeyay hadal uu dhawaan warbaahinta ka sheegay wasiirka arimaha gudaha, waxaanay daboolka ka qaadeen in hadalkaas iyo doorashada oo deeganadaas ka dhacdaa ay hurda’da ka kicinayso colaadii deeganadaas huruday.

Madax dhaqameedkan ka soo jeeda deegaanada lagu muransanyahay ee waqooyiga Hargaysa,ayaa sheegay in dhulka muranku ka taagan yahay dhan yahay 800-KM.waxayna ku doodeen dhulkaas mulkiyadiisa in aanay cidna gorgortan kala galaynin, iyaga oo inta ka horaysa ku taliyay in madaxweyne Axmed Siilaanyo go’aan ka gaadho deegandaas.

Ugu horayntii oday Axmed Cawaale oo dadka deeganada lagu muransan yahay dagan kamid ah oo warbaahinta la hadlaayay ayaa yidhi“ 95 Sanadood oo aan jiray, dalka kamaan baxin, maantana xukunka dawlada cidina ma diidana, halka laga hadlayaa waxa weeye dal iyo dad cusub oo maanta la helay oo la qaybsanayaa ma jiro, dad cusub oo maanta dhashay oo wax loo doonayaana majiraan, dalka iyo dadkuba waa kuwii hore u jiray, dalkan maanta lama qaybinaayo ee horuu u qaybsanaa oo waran iyo gaashanbaa lagu qabsaday, calankaana dadka ka dhaxeeya ee dhulka waa la kala leeyahay.” Oday Axmed Cawaale oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ Waxaanan yeelayn ninka Hawaro u dhashay ee deegaankiisu Boorama yahay ee soo dhaafay, ee Gabiilay soo dhaafay, ee Hargaysa dhaafay ee leh Bebera Cidi-nooma dhaxayso, dawladu haday dadka dalka u kala jihayn waydo way taqaanaaye, anagaa xoraysan doona dhulkayaga.”

Sidoo kale Suldaan Mowliid Cali, ayaa isaguna yidhi “Halka muranku ka taagan yahay maaha Gobolka Awdal ee waa gobolka Hargeysa, ragga hawshaasi wadaa Wasiir Duur ayuunbaa tilmaamaysaane Madaxwayne ku xigeenka ayaa hawsha wada, xildhibaanaa wadda, aqoonyahan iyo odayaal been loo sheegay ayaa wada, markaa wax inaga ayay inagu xidhan yihiin, waxna Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayay ku xidhan yihiin, cida waxeedii muranka la galinayaa waa Sacad Muuse, waxayna wax ku soconayaan halka aynu marba inagu is dhigno, markaa haddii aynu inagu u hagar baxno nin walba wuu iska taggi”

Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur oo gabogabadii halkaas ka hadlay , ayaa isaguna hadal ku bilaabay sidan “Kala xadaynta dhulku waa sidii lixdankii sida uu sheegayo dastuurku, maalin dhawayd Wasiir Dhuumasho ku soo galay deegaanada Waqooyiga oo yidhi Madaxwayne guddi shan qof ah haloo saaro, waxaan leeyahay adder meeshu maaha laba baloodh oo Islaamo isku haystaan, waa dhul balaadhan oo 800-KM oo isku wareeg ah oo aanu anagu leenahay, cid kale oo nala lihina ma jirto, dhulku waa Somaliland oo waalawada leeyahay, haddana waa la kala leeyahay, dhulkaa Waqooyiga Hargeysa, ilaa xeebtiisa iyo gobolka Gabiley cid aanu ku gorgortami karnaa ma jirto”

Oday dhaqameedyadan iyo Salaadiintan ayaa soo jeediyay in arinta deeganadaas lagu muransanyahay in xukuumadu ay go’aan dagdag ah ka soo saarto, si xal loogu helo colaada deeganadaas ka soo cusboonaanaysa.