Shir Lagu Faaqidayo Wadahadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Furmay

0
477

Hargeysa (Geeska) – Shirweyne socon doona muddo lab maalmood ah oo ku saabsan sidii ay Somaliland isugu tashan lahayd gaadhitaanka himiladeeda oo ah inay aqoonsi buuxa ka hesho beesha caalamka, ayaa shalay ka furmay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay masuuliyiin ka mid ah hay’addaha dawladda, siyaasiyiin caan ah iyo aqoonyahanka dalka qaarkood.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan masuuliyiinta kuliyadda xalinta khilaafaadka, ayaa waxa hadallo ka soo jeediyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, hormoodka kuliyadda xalinta khilaafaadka iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ahmiyad weyn u leedahay Somaliland in tallaabo kasta oo la qaadayo laga wada tashado hadafka la Hiigsanayana uu yahay aqoonsi laga helo beesha caalamka iyadoo loo qaadayo dariiqa ugu fudud ee loo marayo.

Guddoomiye Baashe, waxa kale oo uu ka hadlay guulaha ka soo hoyday wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalalka Turkiga iyo Imaaraadka “Wada hadafkayagu ahaa in meesha laga caddeeyo in laba dawladood oo walaalo ah oo Somaliland iyo Soomaaliya inay wadahadlayaan ee aynaan la mid ahayn maamul goboleedyada kale, waanad ogeydeen oo maamulada oo dhami waxay damceen inay shirka cid u soo dirsadaan, laakiin taasina waxay (keentay) in Somaliland iyo Soomaaliya ay u wada hadlaan sidii lixdankii”ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo sidoo kale sheegay in wadahadal kasta oo lala gelayo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya iyo heshiis kasta oo lala saxeexanayo lagu gelayay magaca Jamhuuriyadda Somaliland isla-markaana lagu saxeexayey.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka mid ah xubnaha Somaliland uga qayb-galay wadahadalladii Turkiga oo isna fuiraankii shirkan ka hadlay ayaa u duur xulay siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee wadahadallada dhaliilay markii uu isagu ka qayb-galay “Annagu marnaba isku dayi mayno inaanu qancinno qof aan odhan karno waa qof qof galay, haddii qofka uu qof uun u muuqdo oo uu leeyahay wadahadalladu way fiican yihiin laakiin haddii uu hebel ku jiro wadahadallo maaha” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Annagu kaasi ma daweyn karno”

Shirkan oo ay ka qayb-galeen xubno ka mid ah golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka Somaliland, ayaa waxa mudada uu socdo ay ka doodi doonaan qoraalo laga diyaariyey midnimadii Somaliland la gashay sanadkii lixdankii dalka Soomaaliya, kaasi oo Somaliland mushaakilaad badan ka dhaxashay

Furitaanka shirkan oo sidoo kale ay hadallo muhiim ah ka soo jeediyeen aqoonyahano ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas iyo hormoodka kuliyadda xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa Prof Aaden Xaaji Cali, ayaa waxa mudada laba maalmood ee uu socdu lagu faaqidi doonaa faa’idada Somaliland ka heshay wadahadallada Soomaaliya, siiba qodobbada ay ka mid yihiin:-

1. Doorka ay wadahadalada soconaya ku yeelan karaan qaybaha bulshada rayidka ahi

2. Saamaynta ay wadahadalada ku yeelan karaan kala fogaanshaha xaaladaha siyaasadeed iyo ammaan ee ay ku kala sugan yihiin dalalka Somaliland iyo Somalia

3. Waxyaabaha ay hogaanka Somaliland ka baran karaan hogaanadii lixdameeyadii ee dalkan hagayey

4. Kaalinta ay wadahadaladan ka ciyaari karaan dalalka deeq bixiyayasha iyo kuwa deriska ah ee lahaa fikraddii hore ee ahayd in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyasadeed”