Qaramada Midoobay Oo U Muuqata Inay Go’aan Ku Gaadhay Inay Ka Aamusto Amarkii Uu Madaxweyne Silanyo Ku Mamnuucay Xafiiskooda UNSOM Ee Hargeysa

0
4150

Picture5Hargeysa(Geeska)-Qaramada Midoobay ayaa u muuqata inay diblomaasiyad aamus ah kaga jawaabtay dhambaalkii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo albaabada ugu xidhay xafiiskooda Hargeysa ee UNSOM, oo uu ku eedeeyay inuu ka soo horjeedo danaha qaranka Somaliland.

Laba bilood oo buure ah ayaa laga jooga markii 13 June 2013 ay dawladda Somaliland, ergayga qaramada midoobay danjire Nicholas Kay u dhiibtay qoraal lagu cadeeyay inaan xafiiskiisa laga ogolayn Somaliland islamarkaana aan laga furi doonin Hargeysa. Qoraalkaas waxa lagu sheegay in xafiiskaas UNSOM lagu xidhay amar Madaxweyne. Ergayga Qaramada Midoobay ayaa maalin ka dib go’aankaas bartiisa twitterka ku qoray in laga war sugo, mar haddii uu go’aanku la yaalo dhinacooda Qaramada Midoobay. Hase yeeshe laba bilood ka dib Qaramada Midoobay waxay u muuqataa inay qaadatay diblomaasiyad aamusni ah, welina lagama hayo wax war ah oo ay ku soo celisay dawladda Somaliland oo la xidhiidha xafiiskooda la xidhay.

Dhawr goor oo uu Wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu bartiisa twitterka mawduucan wax kaga weydiiyo ergayga Qaramada Midoobay ayaanay u suurtogelin. Hase yeeshe waxa jira warar sheegaya in laga war sugayo shirka saddex biloodlaha ah ee uu golaha ammaanku ka yeesho dalkii la isku odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland ku jirto. Shirkaas ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo mawduucan islamarkaana uu golaha ammaanku go’aan ka gaadho.