Darajaynta Ciidamada: Talaabo Hore Loo Qaaday

0
558

Waxa aan Halkan Salaan uga dirayaa dhammaan shacabka Islaamka ah gaar ahaan shacab weynaha Somaliland Meel Kasta oo ay Joogaan, waxaanan Illaahay ka Baryayaa in uu inaga Aqbalo Acmaashii wanaagsanaa ee aynu Soo Samaynay, wadankeenana inooga dhigo mid nabad iyo barwaaqo ah.

Intaa kadib, waxa aan doonayaa in aan ka hadlo horumarka la taaban karo ee ay Xukuumadu gaadhay saddexdii sano ee ay xilka haysay. In kasta oo horumarka Xukuumadu ay gaadhay muddadaas ay xilka haysay uu badan yahay, waxa xusid mudan oo aan doonayaa in aan ka hadlo darjooyinkii Xukuumadu ay hirgelisay ee ay siisay dhammaan ciidamada kala duwan ee dalka, taas oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku ammaan mudan yahay. Waxa arrin Cajiib ah in ciidamadeena oo muddo ka badan 20 sano darajo la’aa ay kaalintooda sideedii uga soo baxeen. Waa sharaf u soo hoyatay iyaga (ciidamada), xukuumadda iyo qarankeena Somaliland in madaxweynuhu maanta ku sharfo ciidamada biladaha kala duwan ee ka muuqda garbaha aradnaa (bilaa biladaha ahaa) muddadaa intaa leeg. Waxa kale oo xusid mudan in Madaxweynuhu aanu darajooyin kaliya garbaha u sudhin ciidamada balse uu xitaa gunooyin darajooyinka ugu daray; waxaanan rajaynayaa in ay sidan ka sii fiicnaan doonto.

Waxa aan ku ammaanaya Madaxweynaha Somaliland arrintaas uu kaga dhabeeyay ee uu sharafta iyo karaamada uu ugu yeelay ciidamadeena kala duwan, waana guul runtii u soo hoyatay Somaliland.