Shir Lagaga Hadlayo Kala Xadaynta Awoodaha Masuuliyiinta Dawlada Oo Shalay Furmay

1
647

Picture1Hargeysa (Geeska) – Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa soo qabanqaabiyey shir qaran oo lagu fallanqayn doono qabyo-qoraalka  xeer Nidaamiye kala xadayn doona awoodaha masuuliyiinta dawladda iyo hay’adaha kala duwan ee dawliga ah.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxa furitaankiisa ka qayb-galay masuuliyiin ka kala socday hay’adaha Madax-bannaan ee dawliga, wasaaradaha iyo wakaaladaha Somaliland.

Garyaqaanka Guud ee Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan oo furay shirkan lagu dhamaystirayo xeer nidaamiyaha kala xadaynaya awoodaha masuuliyiinta qaranka oo shirkan ka dib loo gudbin doona Golaha baarlamaanka iyo golaha wasiirrada oo ansixin doona si marka Madaxwaynuhu saxeexo lagu dhaqmi doono, ayaa yidhi “Xeerka Nidaamka Xukuumaddu wuxuu ka dhashay khudbadii Madaxweynuhu Barlamaanka ka jeediyey ayuu ku sheegay inay u qorshaysan tahay in la sameeyo amma sannad gudihiisa lagu sameeyo xeerka nidaamka xukuumadda, taasoo ka dhalatay baahida dalka jirta oo ah in waaxda fulinta amma waaxda xukuumaddu aanu jirin xeer ka dhaxeeya oo maamula, marka la eego hay’adaheeda kala duwan ee wasaarado leh, wakaalado leh ee xafiisyo iyo mashaariic leh, Samaynta xeerkan waxa uu Madaxweynuhu u xilsaaray Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Madaxtooyada oo in badan ka shaqaynayey iskana kaashaday ka wada shaqayntiisa, waxaana la sameeyey daraasad weji leh markii la samaynayey qabyo qoraalka xeerkan, taasoo ka koobnayd weji sharci oo guud iyo mid gaara oo la xidhiidhay xeerarka dalka siday u maamulayaan marka laga soo bilaabo sida dastuurku uu u dhisay dawladda.”

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Bashiir Cabdi Xariir, ayaa tilmaamay in guul weyn ay ahayd abuurista xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka, isagoo soo dhaweeyey xeerka Nidaamka Xukuumadda, waxaannu yidhi “Xeerkan waa xeer muhiima, laba shay baana la inooga baahan yahay; kulankiinana waxa ka muuqan doona aqoonta iyo waayo-aragnimada ku jirta masuuliyiinta iyo agaasimayaasha hay’adaha madaxbannaan iyo ragga la mid ah ee xukuumaddu u igmaty, waxaana ka muuqan doona sawirka xikmada iyo waayo-aragnimada aqoonta ay u leeyihiin maamulka dadka halkan isugu yimi, waxaannu xeerkan inaga furan doona muran, khilaaf iyo caqabado badan oo wasaaradaha iyo hay’adaha shaqada isugu imanaya ku dhex mari jiray oo xukuumadda u soo gudbaayey, waxaannu caddayn doona kaalinta masuuliyiinta qaranka”

Wasiirka Wasaaradda Shaqadaha iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), ayaa isaguna yidhi “Waxaan ILAAHAY ka rajaynaya in xeerkan noqdo mid inaga qabyo tira waxyaabaha inaga qabyada ah, tusaale ahaan Wasaaradda aan joogo waxa la yidhaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay hore u ahaan jirtay Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, dawladda cusub markay dhalatay ayaa la beddelay kelmada qoyska oo waxa lagu soo beddelay shaqada oo wasaaradda caafimaadka ka mid ahayd, balse wax digreeto ah oo lagu abuuray wasaaradda oo xafiiska taala oo la odhan karo kulamaan wareegin, waajibaad ay leedahayna kulamaan wareegin, taasina waxa weeyaan in wasaaraddan hawlaheedu qaybo tahay, sidaa darteed waa inaad qeexdaan idinkoo u arkaya qarankan curdinka mustaqbalkiisu inuu noqdo qaran leh xeer nidaamiye kala qeexa waajibaadka Wasaaradaha, Wasiir iyo Wasiir-ku-xigeen, Wasiir iyo Agaasime”

Comments are closed.