“Madaxwayne Silanyo Wuxuu Noqonayaa Madaxwaynihii Ugu Horeeyay Ee Aan Umaddiisa Been U Sheegin”

10
2356

Hargeysa (Geeska) – Agaasimaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Axmed Xuseen (Dhabeeye) ayaa eedo xisbiyada mucaaridku u jeediyeen xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay kuwo aan meel mar ahayn oo ka indha saaban waxqabadyadii xukuumadu ku talaabsatay mudadii saddexda sanadood ahayd ee ay jirtay.

Mr Dhabeeye ayaa sheegay in xukuumadu ay fulisay mudadii ay jirtay waxyaabihii mabaadiida u ahaa ee ay balanqaaday xiligii doorashada oo ay ku guulaysatay xukuumadu bixinta darajooyinkii ciidamada, isla markaana ay miisaaniyadii qaranka gaadhsiiyeen heer aad u sareeya.

Agaasimaha Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay Warbaahinta kula hadlayey Hotelka Xaraf ee magaalada Hargeysa ayaa ugu horayn isaga oo ka hadlaya Mashaariicda ay xukuumadu ku horumarinayso Madaarada dalka waxa nu yidhi “Waxa kow ka ah waxqabadyada xukuumadani intii ay jirtay mashaariicda casriyeynta Madaaradaa dalka Somaliland oo aynu ka warqabno meesha fiican ee ay marayaan, iyagoo qaranka oo dhan guul u ah in garoonkii Cigaal International Airport la casriyeeyey oo tayadiisii kor loo qaaday oo inta dawlado kale lacagtii inoogu deeqeen la dhisay ayay qaar badan oo xisbiyada Mucaaridka ahi ay la soo fadhiistaan warbaahinta madaarkii lama casriyeyn, waxba lagama qaban, arintaasina runtii waxa ay u muuqataa arin aan meel mar ahayn. Muuqaalka Madaarka Hargeysa markii ay xukuumadu qabatay talada dalka marka laga eego waxa aad u hooseeyey xaga dhismaha, qalabka iyo tayada shaqada oo aad uga hoosaysay heerka (standard) caalamka , waxyaabaha jiray waxa ka mid ahaa madaarku muu lahayn xaga security-ga Kamarado iyo qalab dadka baadha diyaaradaha dalkeena isticmaala dhibaataa ka haysan jirtay. Balse intii xukuumadan Madaxweyne Siilaanyo ay jirtay ee uu wasiirka ka ahaa Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu hagaajiyey madaaradii iyo nidaamkii oo uu keenay shaqaale iyo dhalinyaro mutacalimiin ah oo aqoon leh, waxa la keenay mishiinadii dadka lagu baadhayey, madaarkeenii wuxuu maanta hiigsanayaa madaaradii caalamka oo dalkeena usoo kordhay oo hana qaaday maanta maalin uu ka wanaagsan yahay ma jiro”.

Agaasimaha Wasaarada Ciyaaruhu mar uu ka hadlayey hogaamiyeyaasha Asxaabta Mucaaridka oo uu ku tilmamaay kuwo danta qaranka ka horaysiiya danta guud waxaanu yidhi “Qofku marka uu hogaamiye xisbi qaran yahay waa in aanu danta shakhsiga ka horaysiin danta guud, oo aanu waxbaa la kharibay ugu soo dhuuman dan gaar ah ee uu isagu leeyahay. Waa taa madaarkii sidii wax looga qabtay markii la arkay dawladii lacagta soo dirtay kordhin u samaysay ee ay la taliyeyaal usoo dirtay ee marxaladaha uu marayey oo dhan ogayd hadaanay ku qancin oo reer Somaliland aanay ku bogaadin mashruucaa lama kordhiyeen lacagta Madaarka lagu kordhinayo”.

Agaasimaha guud waxa kale oo uu sheegay in Madaxwayne Siilaanyo uu yahay Madaxwaynihii u horeeyay ee aan shacabkiisa been u sheegin “Madaxwayne Siilaanyo wuxuu noqonayaa Madaxwaynihii ugu horeeyay ee aan umaddiisa Somaliland been u sheegin, ee aan dadkiisu isla dhex marayn kii u galaba been ayuu u sheegaa, waa Madaxwaynaha ay ka go’an tahay inuu dhameeyo wixii uu balanqaaday oo dhan, waa Madaxwaynaha markii ay dadkiisu doorteen uu hankoodu kor u kacay ee ay fadhiga ka kaceen” ayuu yidhi.

Comments are closed.