Dawlada Somaliya Oo Si Rasmi Ah U Burisay Heshiiskii Turkiga Lagu Kala Saxeexday Iyo Madaxweyne Silanyo Oo Isagoo Istanbul Jooga Ku Niyadsan Wada Hadalada

0
511

Picture1Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliya oo taageero ka helaysa Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u jebisay heshiiskii u dambeeyay ee ay Somaliland iyo Somaliya ku kala saxeexdeen wadanka Turkiga, kaas oo dhigayay in maamulkii hawada ee labada dal wada jir looga soo celiyo Qaramada Midoobay oo gacanta ku haysa islamarkaana xafiis laga maamulo laga furo caasimadda Hargeysa, kaas oo ay ka shaqayn doonaan guddi wada jir ahi.

Heshiiskaasi, wuxuu u muuqdaa mid ay dawladda Somaliya ka maarantay islamarkaana ay si badheedh ah uga talaabsatay, una burisay. Wasiirka Isgaadhsiinta, gaadiidka iyo boosaha ee Somaliya Cabdillaahi Ciilmooge Xirsi, ayaa heshiis rasmi ah la saxeexday hay’adda ICAO oo maamulka hawada gacanta ku haysay 20kii sannadood ee u dambeeyay. Heshiiskaasi wuxuu dhigayaa inay ICAO maamulkii hawada 1 January 2014 ku wareejiso dawladda Somaliya, waxaana sidoo kale si toos ah dawladda Somaliya loogu wareejin doonaa lacag malaayiin Dollar ah oo mudadaas 20ka sannadood ah ay ICAO ururisay taas oo ah dakhiliga hawada Somaliland iyo Somaliya.

https://fbcdn-sphotos-f-a.akamaihd.net/hphotos-ak-ash4/1393630_10151873367488559_1764435478_n.jpg

Heshiisku wuxuu ka koobanyahay 12 qodob, waxaana dhinaca ICAO u saxeexay Mr. Ivan Galan oo ka mid ah madaxda hay’adaas. Waxa kale oo qodobadiisa ka mid ah in dawladda Federaalka Somaliya ay masuul ka tahay sida ay dhaqaalahaas Malaayiin Dollar ah ugu qaybinayso wax loogu yeedhay gobalada Somaliya. “Sida loogu qaybinayo [dhaqaalaha]  mamaulada gobalada Somaliya waxa awoodeeda loo daayay dawladda Somaliya.” Ayaa ku jirta  mid ka mid ah qodobada heshiisku.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, wax war ah kamay soo saarin heshiiskan oo lagula wareegayo hanti, qalab iyo maamul, taas bedelkeedna Madaxweyne Siilaanyo wuxuu wadanka Turkiga u joogaa diyaarinta wejiga saddexaad ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, kaas oo loo qoondeeyay bisha November ee sannadkan. Waxase isweydiin mudan waxyaabaha laga wada hadlayo, mar haddii ay dawladdii Somaliya jebisay heshiiskii.?

Geesta kale, xukuumadda Somaliland oo caan ku ah inay tiraba dhawr wasiir ka jawaabaan eedaha kaga yimaada xisbiyada mucaaradka ah iyo siyaasiyiinta kale ee madaxabanaan, ayaa waxay dhinaca kale ka gaabisaa inay ka hadasho arrimaha qaranka saamaynta ku leh ee kaga yimaada dhinaca dibadda, kuwaas oo uu heshiiskani ka mid yahay. Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku sugan wadanka Turkiga, waxaanu sheegay inuu rajo wanaagsan iyo niyad sami ka qabo wada hadalada labada wadan u furmaya bisha dambe ee November.

Si kastaba ha ahaate siyaasadda ka dambaysa wada hadalada Turkiga ka socdaa ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya waa kaaf iyo kala dheeri. Xukuumada Somaliland waxay u muuqataa inay weji daacad ah ku galayso, waxaanay markii wejigii labaad ee wada hadalka laga soo noqdayba xayiraadii ka qaaday duulimaadyada Qaramada Midoobay, iyadoo si deg deg ah ugu sii gogol xaadhaysa heshiiskaas. Hase yeeshe dawladda Xasan Sheekh, waxay u muuqataa inay ciyaarayso munaafaqad diblomaasiyadeed, ujeedada keliya ee ay ka leedahay inay wada hadaladani sii socdaan dadka siyaasadda faaleeya waxay ku xidhiidhinayaan wadanka Turkiga oo ay doonayso inaanu xidhiidhkoodu ka go’in, maadaama oo uu Somaliya ka fuliyo mashaariic tiro badan oo horumarka khuseeya.