Somaliland Oo Si Weyn Looga Xusay Xuska Dhalashada Rasuulkeena Suuban (S,C,W)

0
665

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xuska Dhalashada Rasuulkeena suuban naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate oo Shalay  Guud ahaan Caalamul islaam laga xusay ayaa waxa si weyn looga xusay guud ahaan Dalka Somaliland Gaar ahaan Caasimada Hargeysa.

Kkumanaan Dad weyne  kala duwan oo isugu jira Culimo awdiinn aad u tiro badan, Siyaasiyiin Iyo Waliba Marti sharaf aad u badan, ayaa si weyn ugu xusay Dhalashada Rasuulka Mansoor Hotel , waxaana ugu horeyn Munaasibadaas hadlay Sheekh Cabdiraxmaan Aw faarax oo isagu ka socday Wasaarada Diinta iyo Awqaafta  Somaliland, waxaanu yidhi  “Axbaabta Rasuulka ee halkan isugu timid dhamaantiin waxaan idin leeyahay nabad galyo kor kiina ha ahaato Salaam ka dib goobaha ama xafladaha caalamka la iskugu imaado ta ugu fadliga badani waa tan,  ILLAAHAY ayaa fadligii Rasuulkeena Subaanaa (N N K H ) inooga waramay kuwa ka soo hor jeesta hoog iyo halaag ayay la kulmi donaan kuwa raacaan kitaabka ayay midigta ka qaadan doonaan”. 

Sidoo kale waxa halkaa  hadalo waano iyo wacdi isugu jira ka soo jeediyay Xildhibaan Axmed yaasin Sheekh Cali Ayaanle, waxaanu yidhi “Dhamaanteen Waxan halkan u fadhinaa iyadoo inaga run tahay in aan waynayno Rasulkenii Subanaa (N N N K) hadab waxa weeye in aan marwalba ku celelino hadal haynta Rasuulkenii Subanaa Rasuulkenii waxa u yimi Cali oo waxa uu ku yidhi Rasuul Allow Xaaskayga Caruurtayda iyo Waalidiintayba Marka laga reebo naftayda waan ka jeclahay Markaasu rasuulku ku yidhi, wali iimaankaagu taam maah markii dambe ayuu ku yidhi Naftaydan waan kaa jeclahay Rasuulku markaasu yidhi imikaa iimaankaagu taam yahay markaa waa in ay muxubada rasuulku halkaa inaga gaadhaa inagan

Dhanka Kale waxa halkaa ka hadlay   Aadan Ruush oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland waxaanu yidhi”kolay culimadaa dhamaysay oo anagu waxba kama daba odhanmaynee anaguna waxa aanu leenahay waa in aynu u dhago nuglanaa waynaynbta Xabiibkenii (N N K H) Laakin mid aan siyaasad-sanyin anyaan xukuumada u sheegayaa maanat wax jiro iskuulo ama jaamacado la dhiganayo kuwaan waa in waxa laga qabtaa waayo xeerkeenu waxa uu leeyahay dhamaan dalku waa fasax

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Waran Cade oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waa ILLAAHAY mahadii waxaynu isugu nimi dhalasha waynaynta xabiibkeenii Subanaa  oo waxa makhraati ah in dhamaanteen muxubo iyo kalgacal u qabno Rasuulkeenii Subanaa  waayo inteenaas oo qof ayaa halkaa isugu yimi iyagoo ka go’antay in aan waynayno

Musharax madaxweyne xisbiga Mucaaradka ah ee UCID  Jamaal Cali Xuseen oo isagu ugu dambeyntii xafladaas ka hadlay ayaa yidhi “Runtii waa maalin qiimo leh Siyaasiyiintana hadal badani halkan ugama wanaagsan waa maalintii culimada waxaan aad ugu mahad-naqayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay xafladan”.

Dhanka kale waxa Munaasibadaas Rasuulkeena suban dhalashdadiisa lagu xusaayey lagu soo bandhigay qasiidooyin lagu amaanayo.