Shimbir U Tahriibay Ingiriiska Oo Dib Loogu Celiyey Dalkii Uu Ka Yimi, Iyo Masuul Ka Hadlay Sababta

0
977

London (Geeska)- Xeeldheere Ingiriis ah oo ka shaqeeya waaxda daryeelka ugaadha ee dalkaas ayaa tareenka Eurostar ee dalalka Yurub wadaagaan ka soo raacay dalkiisa isaga oo sida shimbir yar oo uu ku wado dalka Faransiiska oo uu marka hore shimbirku ka soo tahriibay.

Shirmbirkan oo ka soo tallaabay gacan badeedka yar ee u dhexeeya labada dal, gaar haanna yimid magaalada Calais oo ah ah magaalada Faransiis ee ugu dhow Ingiriiska ayaa waxaa qabtay khabiirkan oo lagu magacaabo Matt Ford, kadibna inta uu qafis gaar ah ku soo riday ayaa uu ku celiyey dalka Faransiiska. Khabiirka oo ka hadlaya sababta loo celiyey shimbirkan ayaa sheegay in uu shimbirkani sharci jebiyey, waxa aana ereyadiisa ka mid ahaa, “Waxa uu Jebiyey sharcigii ka yaallay nolosha duurjoogta ee dalka Ingiriiska” Laakiin meesha kama uu saarin in ay jiraan sababo kale oo iyaguna keenay in shimbirka la celiyo, kuwaas oo ay ka mid ahayd, “Waxaa laga yaabaa in shimbirku buul-shimbireed u gaar ah ku lahaa dalkiisa, sidaa awgeed ay u fiican tahay in uu ku noqdo”

Wargeyska The Sun oo isna arrintan ka warramay ayaa sheegay in sababaha loo celiyey shimbirkan ay ka mid tahay shahaadada caafimaadka. Maadaama oo uu sharciga Ingiriisku dhigayo in duurjoogta lagu sii dhex deynayo dalka ay qasab tahay in marka hore xaaladdooda caafimaad la og yahay. Shimbirkan sida kediska ah u soo gudbayna aanay masuuliyiinta duurjoogta ee Ingiriisku haynin shahaadadiisii caafimaadka.

Waxaa iyaduna jirtay cabsi laga qabay in shimbirku uu ku xanuunsado hawada aanu la baran ee ingiriiska, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu Ford ku yidhi wargeyska The Sun, “Dib u celinta shimbirka sababaha keenay waxaa ka mid ah in isaga laga ilaaliyo xanuunnada ku dhici kara” maadaama oo shimbirkani uu yahay nooca aan lagu aqoon in uu dalalka kala duwan isaga haajiro, sida ay khubarada nolosha duurjoogta ku xeeldheeri og yihiinna uu yahay shimbir inta badan degel joog ah oo aan ka fogaannolosha dhulka uu ku abuurmay iyo deegaannada aan ka fogeyn, kuna noolaada buulka uu isagu dhisto. Laakiin haddana waxa uu sheegay in aan la dhaafi karin runta ah in shimbirkani uu Faransiis yahay oo aanu u dhalan Ingiriiska sidaa awgeedna loo celiyey, waxa aanu si kooban u yidhi, “Si kastaba ha ahaato eel agama maarmaan ayaa ay ahayd in shimbirkan dib loo celiyo, waayo shimbir Faransiis ah”