Shimbir Nooca Babqaaga Loo Yaqaanno Ah Oo Xafiday Isla Markaana Akhriyi Kara Suurado Qur’aanka Ka Mid Ah

0
1432

 

 

 

Cummaan (Geeska)- Shimbirka hadalka canjila ee Babqaaga loo yaqaanno ayaa la arkay isaga oo awood u leh in u akhriyo suuradaha gaagaaban ee Qur’aanka Kariimka ah, waxa aanu hadda ku gudo jiraa barashada Qur’aanka kariimka ah oo uu ka caawiyo Xuseen Suwaalimah oo ah nin u dhashay dalka Urdun oo shimbirkan ku dhaqday xarun caafimaadka ilkaha ah oo uu leeyahay.

Xuseen shimbirkiisan Babqaaga ah waxa uu soo qaatay isaga oo lix bilood oo keliya jiray, waxa aanu hadda haystay muddo lix sano ah, muddadaas oo uu dadaal aad u badan geliyey in uu xafidsiiyo Qur’aanka isaga oo ku bilaabay ereyo kooban, “Ereyo ayaanu xafidsiinnay, kadib hadallo kooban markaas kadibna waxa aanu xafidsiinnay suurado Qur’aanka kariimka ah ka mid ah, Alle ayaa mahadleh, waa aanu ku guulaysannay in aanu barno suuradaha Ikhlaas, Kawsar iyo suuradda Masad” sidaas waxaa yidhi Xuseen Suwaalimah. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Wallaahi waa aan jecelahay shimbirkan. Marka aan runta kuu sheego waxa uu iga dhigan yahay sida in aan ilme yar oo hadal barad ah korsanayo” waxa aanu caddeeyey in arrintani ay ula muuqato mucsjio, gaar ahaan marka uu eego sida uu Babqaagani Qur’aanka u akhriyayo isaga oo weliba codkiisa si aad u saafi ah loo fahmi karayo.

Shimbirkan sida mucjisada ah Qur’aanka Kariimka ah u akhriyaya waxa aad muuqaalkiisa ka daawan kartaa barta You tube, waxaa si gaar ah looga sii raaci karaa ‘Link’ kan oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa u soo gudbiyey si uu ugu fududeeyo akhiristayaashiisu in ay daawadaan. https://www.youtube.com/watch?v=SPcap8N49IE

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here