Faa’idooyinka Caafimaad Ee Cunista Malabku Ay U Leedahay Jidhka Bani’aadamka

34
4712

 

Hargeysa (Geeska)- Malabku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka dabiiciga ah ee ugu faa’idada badan caafimaadka qofka, sababtuna waaxaddiga aadka u badan ee faytamiinnada, macdanaha kala duwan iyo asiidhada Amino ah ee ku jira malabka iyo sida oo kale maaddooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah bakteeriyada, dulinka iyo mariidka. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in malabka ay ku yar yihiin Kalooriska isla markaana aanu wax dufan ah lahayn, sidaa awgeed waxa ay ku taliyeen in qofku uu caadaysto in maalin kasta uu cuno malqacad malab ah. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya waxa ay soo bandhigaysaa qaar ka mid ah faa’idooyinka caafimaad ee ay dhakhaatiirtu sheegeen in laga dheefo malabka oo joogto loo cuno.

Ridista Miisaanka saayidka ah: Malabku waxa uu xoojiyaa awoodda dheefsashada cunto ee jidhka iyo gubashada dufanka, sidaa awgeed malabku waxa uu si aad ah u ridaa miisaanka saayidka ah.

Hoosudhaca Kalastaroolka: Malabka waxaa ku jira faytamiinno caawiya dhimista dufanka dhiigga. In maalin kasta la cuno malab waxa ay jidhka ka caawisaa in uu yeesho awood uu ku burburin karo mariidka, (Sunta cuntada ka samaysanta) waxa aanay taasi yaraysaa heerka dufanka.

Xoojinta wadnaha: Cilmibaadhiso kala duwan ayaa caddeeyey in maaddooyinka malabka ku jira ee lidka ku ah mariidku ay sida oo kalana ka hortag u noqon karaan xididdada oo xidhma, taasina waxa ay keenaysaa in aanu wadnuhu shaqadiisa gabin, waxa kale oo uu Mariidku keenaa in xusuusta qofku xumaato iyo madax xanuun.

Xoojinta xusuusta: Cilmibaadhisaha lagu sameeyey faa’idooyinka caafimaad ee ku jira malabka ayaa lagu ogaaday in uu awood u leeyahay in uu la dagaalamo daalka maskaxeed isla markaana  wanaajiyo xusuusta.

Hurdada fiican: Macaanka malabka ku jiraa waxa uu kordhiyaa maadadda Insulin ee jidhku u baahan yahay, waxa kale oo uu kordhiyaa hormoonnada qofka ka caawiya hurdada wanaagsan.

Dheefshiidka: Malabka oo ah nadiifiye aad u tayo badan, haddii maalin kasta malqacad laga cuno inta aan quraada ama cunto kale caloosha gelin, waxa ay taasi caawisaa daweynta iyo ka hortagga cudurro door ah oo la xidhiidha dheefshiidka, sida nabar calooleedka, calool ololka,  iyo bakteeriyadad midhicirada ku dhalatay.

Maqaarka: maaddooyinka lidka mariidka ee malabka ku jiraa waxa ay jidhka ka caawiyaan in uu iska nadiifiyo suntan kala duwan eek u jirta, taasina waxa ay keentaa in maqaarka saree e qofka caadaysta cunista malabku aad u dhalaalo, midabkiisa dabiiciga ahina aanu guurin. Waxa kale oo uu malabku u wanaagsan yahay dumarka dhiigga caadad oo si sahal ah uga yimaadda.

Ka hortagga kansarka: Malabka waxaa ku jira iskudhiska Flavonoids  oo leh awood uu kaga hortegi karo noocyo kansarka ka mid ah iyo wadne xanuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here