Sheekooyinka Iyo Xukunnada Yaabka Lahaa Ee Qaraqoosh (3aad): Maydkii Noolaa

31
3543

Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ka mid ah qormadii taxanaha ahayd ee aynu ku eegaynay sheekooyinka iyo dhacdooyinka maadayska ah ee amiir Qaraqoosh iyo xukunnadiisii yaabka lahaa, ee xikmad iyo caqli xumo labadaba lagu sheego.

Maydkii noolaa

Wiil caasi ahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah damcay in uu khaarajiyo aabihii oo ahaa maalqabeen, bakhaylna lagu tilmaami jiray. waxa uu hunguri ka galay in uu dhaxlo xoolaha aadka u badan ee aabihii. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu aabihii xanuunsaday, kaddib waxa uu is tusay in uu fursaddaas bukaanka odayga ka faa’iidaysto. Inta uu u tegey dhowr saaxiibbadii ka mid ah oo xumaanta ku taageersanaa ayaa uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo aasi lahaa aabihiisa buka oo nool.

Sidii ayaa ay yeeleen oo wiilkii iyo saaxiibbadii inta ay odaygii naxash ku rideen ayaa ay qaadeen si ay u soo aasaan. Amiirkii Qaraqoosh oo indha indhayn magaalada ku maraya ayaa si kedis ah uga soo horbaxay nimankan maydka sida. Odaygii maydka laga dhigayey oo aan is qaadi karin xanuunka haya awgii, laakiin hadalkiisu sax yahay, ayaa nimanka naxashka ku siday ka maqlay in qofka ka soo hor baxay uu amiirkii yahay. Odaygii inta uu madaxa la soo kacay ayaa uu u qayshaday amiirka, “Caddaalad iyo naxariis” ayuu cod dheer ku yidhi.

Qaraqoosh ayaa maqlay, waxa uu askartiisii amray in maydka la joojiyo oo naxashka dhulka la dhigo, marada la saarayna laga qaado. Kaddib odaygii naxashka ku jiray iyo raggii sidayba waa uu waraystay. Odaygii ayaa hadlay oo sheekadii ka warramay, waxa aanu sheegay in wiilkiisani isaga oo nool aasayo si uu xoolihiisa u qaato.

Wiilkiina waxa uu ku dooday in aabihii la wada garanayo oo uu weligiiba ahaa nin aad u kulul oo ku ad-adag carruurtiisa. Waxa uu ku andacooday, “Boqoroow, waa aan kuu xaqiijinayaa in odaygani uu mayd yahay. Sababta uu qayladan u samaynayaana ay tahay keliya in uu dhibaato iyo culays i geliyo. Waxa uu doonayaa in geeridiisa kaddibna uu ii dhibo sidii uu ii dhibi jiray markii uu noolaa.

Halkii war kale laga sugayey, ayaa uu Qaraqoosh yidhi, ‘Haddii laba qolo is qabsadaan, marag iyo dhaar ayuun baa lagu kala saaraa. Markaa marka koowaad odayoow adiga ayaan ku weydiinayaa ee marag ma u haysataa in aad nooshahay. Odaygii oo yaabban ayaa yidhi, imika qof aan ahayn adiga iyo nimanka aanu is haynay goobta ma joogo, sidaa awgeed marag haddaydaan idinku ka ahayn noloshayda marag kale ma haysto. Wiilkii ayuu ku jeestay, ‘waar markhaati ma u haysataa in aabahaa mayd yahay?! Wiilkii ayaa inta uu farxay yidhi, “Haa amiir, waa kuwan ee waraysi kooxdan ila socotay oo dhan” Waa saaxiibbadii ee markiiba waxa ay la boobeen marag beenaalihii. Oo mid kastaa uu yidhi, ‘Boqoroow, annaa og oo odaygani waa mayd.”

Boqor Qarqoosh inta uu cababar aamusay oo xukunkii uu ka fikiray ayaa uu go’aankiisii riday, “Arrintu waa ay dhan tahay, Qof keliyi marag isuma noqon karo, dhinaca kalana waxa uu keenay marag ka badan xitaa labadii looga baahnaa. Sidaa awgeed waxaa caddaatay in odaygani uu mayd yahay” Qaraqoosh waxa uu intaas ku sii daray, “Waar ninkan hore u aasa, haddii aynu sii deyno oo dadku maqlaan, cid dambe ma oglaanayso in la aaso ee”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here