Hetty Green: Qisada Gabadhii Maraykan Ugu Bakhaylsanayd Taariikhda Inta La Og Yahay (Q. 2)

47
3890

Washington (Geeska)- Bakhalynimada hooyadii awgeed Ned isaga oo cisbitaal fiican la geeyey, haddana ma’ uu wada helin daweyntii uu u baahnaa, oo dabcan ku xidhnayd lacago dheeraad ah in ay hooyadii bixiso. Maalmo kaddib lugtii uu dhaawaca weynu ka soo gaadhay dawo xumaysi awgeed ayaa ay qudhuntay, waxa aana qasab noqotay in lagu sameeyo qalniin lugta lagaga jaray.

Qisada Bakhaylnimo ee Hetty Green intaas kuma ay joogsan; waxaa mar kale dhacday in uu ku dhacay xanuunka bog-dilaacu, in kasta oo ay lacag aad u badan haysatay, haddana markii ay eegtay qiimaha cisbitaalku ku daweynayo, waxa ay ka doorbiday in ay marto hab-dhaqameed dadkii hore mari jireen oo ah in bogga halka dillaacday lagu qabto qori yar si uu u celiyo midhicirada, kaddibna maro dusha lagaga tigtigo.

Waxaa jirta qiso kale oo yaab leh oo laga soo weriyo Hetty Green. Waxaa jiri jirtay gabadh eedo u ah oo iyaduna lacag badan lahayd. Gabadhaas oo aan ubad lahayn ayaa dhimatay, waxa ay sii dardaarantay in maalkeeda dhammaantii lagu wareejiyo hay’ad samofal. Markii ay Hetty ogaatay waxa ay eedadeed samaysay, waxa ay dacwad ku soo oogtay hay’addii samafal. Waxaa yaab leh in Hetty ay soo samaysatay waraaqo been abuur ah oo ay ku sheegayso in eedadeed ay iyada dhaxalka uga tagtay.

Waxaa la sheegaa in Hetty marka ay habeenkii seexanayso ay caado ka dhigatay in ay dhexda ku xidhato silsiladda ay ku jiraan furayaasha khasnadaha lacagta iyo dahabku ugu jiraan, waxa kale oo ay gacanta ku qaadan jirtay baastoolad ay seexan jirtay iyada oo gacanta ku haysata oo weliba haddii ay ka dhacdo ama cidi taabato dhaqso u baraarugayso, maadaama oo ay mar kasta niyadda ka feejigan tahay. Sababta ay sidan u yeelaysay waxa ay ahayd cabsi ka haysa in tuug u yimaaddo oo uu ka xoogo lacagta ama iyada oo huruda gurto.

In kasta oo ay xoolaheeda aad ugu gacan adaygtay, nafta kuma ay gacan adaygi karayn, oo taasi awooddeeda waa ay ka baxsan tahay. Bishii Toddobaad ee 1916 kii ayaa ay Hetty dhimatay, iyada oo 81 jir ah, waxa aana xiise gaar ah leh in labadeedii wiil ee ay inta badan xoolaha ka ilaalinaysay ay ugu dambayntii hooyadood uga hadheen lacag lagu qiyaasay 200 oo milyan oo doolar.

Maadaama oo dhaqannada iyo dabeecadaha bakhaylnimo ee hooyadood caan ahaayeen, waxa ay keentay in labada wiil dabagal gaar ah lagu sameeyo, waxa aana soo baxday in lacagtii hooyadood muddada dheer ku fara-adaygi jirtay, ay iyagu si aad u gacan furan wax kasta ugu kharash garayn jireen, mararka qaarkoodna lexejeclo la’aan lagu canaanan jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here