Sheekh Xasan Ha La Download Gareeyo

0
688

Picture3Dhowr maalmood ayuu Xasan Daahir Aweeys joogaa magaalada Cadaado. Dowladdu sida ay ka yeesho arrintiisa indhaha ayaa lagu wada hayaa. Ma soo qaban doontaa? Ma xiri doontaa? Maxkamad ma soo taagi doontaa? Ma sii deyn doontaa? Ma dhoofin doontaa? Ma iska indha tiri doontaa? Mise jago ayay u magacaabi doontaa?

Arrntaas waxaa aad u daneynaya dadka ehelkoodii ay Shabaab dishay iyo kuwa nool ee weerarrada Shabaab ku naafoobay.

Waxaa fiirsanaya oo kale kuwa al Shabaab ku maqan oo go’aan ku qaadan doona in ay sidiisa oo kale ay ku dhiirradaan iyo in kale. Xubnaha al Shabaabka ee hadda xabsiyada ku jira laftoodu dowladda wey eegayaan.

Shabaka Soomaaliyeed oo dhan ayaa u dhegataagaya. Waxaa wehliya Dowladaha gobolka ee dhibaatada tooska ah al Shabaab u geystay oo dabcan aan war la’aani hayn, aragti la’aanna aan ahayn.

Haddaba dowladdu maxay samayn doontaa? Maxayse kula tahay in ay sameyso?

Intaa ka sokow, Xasan Daahir Aweis, xogta uu ka hayo al Shabaab ma ahan mid yar. Muxuu ogyahay? Muxuu indhihiisa ku soo arkay? Muxuu maqlay? Maxay la eg tahay tabarta al Shabaab? Yay gacan ka helaan gudaha iyo dibaddaba? Maxay ku dirireen gudahooda? Yaase doonaya in ay sidiisa oo kale ay ka soo baxaan?

Maxaa lagu qalday dhallinyarada noloshoodii qiimaheeda lala ekeysiiyay hal bambaano? Kuwaas oo marar badan noqday qofka keliya ee dhintay markii ay is qarxiyeen. Diyaarse ma u yahay, mise yaqaan si loo delete gareyn karo  farriintaas, si dhallinyaradaas naftooda loogu badbaadiyo umadda Ilaaheeyna ay uga nabad gasho?

Ciidammada ammaanku xogta ay ka helaan wadaadkan waxaa laga yaabaa in ay u suurta geliso in ay mustaqbalka ku fashiliyaan weerarro iyo qaraxyo ay Shabaab damacsanayd. Sidaana lagu badbaadiyo nafta dad maanta nool.

Kooxaha Sirdoonka ee ay ahayd in ay search gareeyaan sirta, Sirtii oo socota ayaa iyaga soo doonatay oo pop up sameysay.

Waa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u download gareystaan, qaarkeedna ay u share gareeyaan.