Wasaarada Qorshaynta Iyo Hay’ada ANPPCAN Oo Soo Bandhigay Daraasad Lagu Sameeyay Hooyada Iyo Dhalaanka

1
3969

Picture1Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaarada qorshaynta Qaranka iyo horumarinta Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa shalay furay shir lagu soo bandhigayey sahamin ay wada sameeyeen Wasaarada qorshaynta iyo Hay’adda ANPPCAN, kuwaasi oo ay farsamo iyo dhaqaale ahaanba u taageerayso hay’adda UNICEF.

 

Sahamintan oo shiishka lagu saarayey arimaha bulshada, siiba xaalada hooyada iyo dhalaanka, si loo ogaado dhibaato iyo dheef waxa ay qabaan si sanadaha soo socda horumar looga sameeyo wixii dhibaato iyo baahi jirta, ayaa waxa kale oo  shirkii lagu soo bandhigayey Daraasadaasi ka qayb-galay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Agaasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta, Qorshaynta iyo diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Shirka oo ay heeso ku saabsan daryeelka ubadka ka qaadeen carruurta xarunta agoomaha Hargeysa, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Madaxa Hay’adda ANPPCAN Mr Axmed, waxaanu si kooban u yidhi  “Waxaynu halkan u fadhinaa inaynu eegno xaaladdaha kala duwan ee carruurta iyo hooyada, ujeedada waxa weeyaan in la eego wax kasta oo carruurta Maslaxad u ah, haddii ay waxbarasho tahay, haddii ay nabadgalyo tahay, haddii ay wadooyin la hagaajiyo tahay, ujeedada ugu weyni waa in jiilka iyo ubadka danahooda la eego”

Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta iyo horumarinta Dr Cabdirashiid Axmed Guuleed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay sahaminta lagu sameeyay carruurta iyo hooyooyinka Somaliland iyo mushaakilaadka haysta, waxaanu yidhi “Waxaynu isugu nimid inaynu daah-furno sahan, sahankaasi oo khuseeya hooyada iyo dhalaanka marka uu dhasho ilaa 5 sano inta u dhaxaysa, sahankani waa kii afraad ee Somaliland laga sameeyo, sahankii ugu  horeeyey waxa la  sameeyey 1995-kii, kii labaadna waxa la sameeyey 1999-kii, kii saddexaadna waxaa la sameeyey 2006-dii, kan afraadna waxaa la sameeyey 2011-kii, Sahankan natiijadii ka soo baxday waxa loo baahan yahay in lagu camal falo, meelo badana way taaban doontaa sida Wasaarada Caafimaadka, Waxbarasha,  Biyaha iyo shaqaalaha, sahankan natiijada ka soo baxday waxay cabir u noqon doontaa dhammaan waxyaabaha khuseeya Hooyada iyo dhalaanka Caafimaadkooda, Biyo nadiif ah, tiradda dumarka wax barta, waxaana ka soo bixi karta in hooyada aan aqoonta lahayd ubadkooda uu shubanku ku badan yahay”

Shirka lagu daah-furay daraasadan oo ay ka hadleen masuuliyiin uu ka mid ah Madaxa hay’adda UNICEF ee Somaliland, ayaa waxa iyadduna ka hadashay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, waxaanu yidhi  “Haddii aan is dul-taago sahankan xogta ka soo baxday waxa uu ka yidhi caafimaadka dalka, markaanu dhinacyo badan ka eegno waxaan odhan karaa caafimaadka dalka wax badan ayaa is badalay, dhimashada carruurta 5-ta sano ka yar oo aad bay hoos ugu dhacday inkasta oo aanu talaalku halkiisii dhaafin”

Wasiirka Wasaarada qorshaynta qaranka iyo horumarinta Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in daraasadani faa’iido u leedahay shacabka Somaliland “Daraasadan oo afartii sanadoodba ay hay’adda UNICEF inoo samayso waa daraasad aad iyo aad u muhiim ah oo indho fur ah, waxay inoo leedahay afar faa’iido, waxay inoo sheegaysaa halkaynu joogno, halkaynu ka nimid waxa kale oo ay sheegaysaa halkaynu joogno marka loo eego Caalamka intiisa kale, waxa kale oo ay inoo sheegaysaa halkaynu ka joogno (Milinuim Development Goals), ama yool la dhigtay oo ku saabsan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Daryeelka, shaqada iyo Horumarka oo ah ilaa 2015-ka oo la doonayo Qaran walba inuu gaadho, markaa daraasadan waxa ka soo baxaa waxay tilmaamayaan bal inta inooga hadhay halkii yoolkeenu ahaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Tusaale haddii aan soo qaato, carruurteena nolol ku dhalata in 1000-kiiba aanu 72% aanu sanadku u buuxsamin (Dhintaan/Saqiiraan), sanadkii 2006-dii tiradaasi waxay ahayd 88%, sanadkii 1990-kii tiradaasi waxay ahayd 152%,  markaa waxaynu ka nimid 152%, maantana waxaynu maraynaa 72%, markaa waxaynu soo qaadnay horumar wax ku ool ah oo la taaban karo, inkasta oo aanu dedaalaynay haddana waxa muuqata inaynu ka dambayno gobolka intiisa kale.

Ugu dambayn, waxa madasha shirkaasi heeso taabanaya daryeelka Carruurta ka qaaday qaar ka mid ah carruurta ku jirta xarunta agoomaha Hargeysa, waxaana heesaha ay qaadayeen ka mid ahaa “Haddaan Laga Dhiidhiyeyn Dhasheena Cidhib go’aysa, carruurta haloo dhug yeesho.”

Comments are closed.