Sheekh Aadan Siiro Oo Si Adag Uga Hadlay Xukunka Haatuf Lagu Riday

0
880

Picture2Hargeysa (Geeska)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud  Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn, ayaa si adag uga hadlay xukunkii lagu riday madaxda Haatuf.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo Shalay Khudbadiisi Jimce ku soo qaaday xukunkan ku dhacay Wargeyska Haatuf, ayaa ku baaqay in cadaalada iyo garsoorka la ilaaliyo, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la iska ilaaliyo musuqmaasuqa oo cidii wax ka sheegta aan la qabsan.

Sheekh Aadan Siiro oo ugu horeyn ka hadlaya hooyo 80-jir ah oo lacag ugu deeqday Masaajidka ayaa yidhi  “Masaajidka hortiisa waxa aan kula kulmay Hooyo 80-jir ah, oo tidhi  ila iyo saaka Salaadii Subixii ayaan halkan kugu sugaayey, Xaafada Isha Boorama ayaan ka yimid ayey tidhi, waxaan weeydiiynay Hooyadaas da’da ah maxaad u socotay, Hooyadaas da’da ahina waxa ay siday Laba Boqol oo dollar,oo waxa ka muuqata daranyo, qof weyn oo jilicsan oo da’a ah, baahidu isma qariso, aad dareemayso lacagtaas labada boqol ee dollar ee ay ii dhiibayso, iyada marka aad eegto, iyo halka ay ka soo saartay iyo qaabka ay igu dhiibayso, waxaad dareemayso inay Hooyadaasi ay daruuf badani ku taalo, waxayna tidhi waxaan ugu talagalay in Masaajid ka la igu daro, waxaana markaas xasuustay Xadiiskii Nabiga SCW, uu yidhi Ninka ILLAAHAY dartii Masaajid u dhisa, Coof shimbeerad ha noqdee, ILLAAHAY Guri ayuu Jannada uga dhisaa”. Culimadu waxa ay yidhaahdeen Coof Shimbireed oo Masaajid ahi ma jiro, ee waa Ninka ku darsada , waxa la tilmaama Koonfuurta Somaliya ayaa Nin Masaajid ka dhisay, Masaajidka markii la dhisay, ayaa Islaan da’ ah oo ag dagnayd ee Ninkii Wasdaadka ahaa ee dhisaayey ayey Xabad Laban ah kula soo guurguuratay, waxayna tidhi waxaan ahay Islaan Hooyo jilicsan, oo da’ ah oo aan waxba haynin, balse awoodaysa inay xabad laban ah awooda in loogu daro, xabadii labanka ayaa loogu daray, Ninkii Masaajidka dhisay, ayaa riyooday, waxaanu ku riyooday ayuu yidhi “Waxaan ku riyooday, iyada oo Masaajid Jannadda la iga dhisay, oo markii la I tusay Guriga ayaa la igu yidhi adigu ma lihid qolkaas, kadibna waxaan weydiiyey ninkii, oo waxaan idhi yaa leh qolkan, waxaanu igu yidhi qolkan waxa iska leh Islaan la jaar ah Masaajidka, oo markii la dhisaayey Masaajidka Ninkii Wasaadaadka ah ee Masaajidka dhisaayey ula timid Xabad laban ah, oo ay tidhi igu dar, markaas iyada ayaa iska leh Qolkaas, iyadu marka ay timaado ayaa loo furaya”.

Sheekh Aadan Siiro oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Hooyadaas da’ ah ee 80-jir ah halkaas igu sugaysa ee tidhi laba Bas ayaan u soo raacay, in aan Masaajid ku darsado lacag, ILLAAHAY SWT dambigeeda ha dhaafo, Dambigii Waalidkeed ha dhaafo, Jannada ay raadinayso ee ILLAAHAY SWT dartii u raadinayso, ILLAAHAY dariiqeena ha u fuduudeeyo”.

Sheekh Aadan Siiro ayaa mar uu ka hadlaayey xadhigii loo geystay “Dhacdadii la yaabka badnayd ee ka dhacday Maxkamada ee lagu xukumay Ninka la yidhaahdo Yuusuf Cabdi Gaboobe, in aan ka hadlana waa dhacdo is taahisha in aan ka hadlo oo lagama maarmaan ah, xukunkaas ku dhacay Inankaasi ee la soo qorsheeyey ee laga soo fikiray, ee dariiqi cadaalada ahaa aan la marin, iyo dariiqi garsoorka ee Umaddu ku heshiisay, waxa aanu leenahay arin la aqbali karayo maaha, qaabkii arinkaasi u dhacay aanu ahayn qaab qurux badan, oo dadkan iyo dalkan dhaqaya, inaad tidhaahdo anigu keligay aan  wanaagsanaado, oo Caruurtaydu ha wanaagsanato, Gurigaygu ha wanaagsado, Meherahaydu ha wanaagsanato, Mujtamaca iyo Bulshadan may ku hagaagayaan, Xukunkaas imika Maxkamada ka dhacay ee qarqooshka ah, waxa la yidhaahda xukun qarqoosh, isaga oo aan qareenkiisi aanu iman ayuu xukunkiisu sii diyaarsanaa, Ninka xukunkaas lagu riday, waa Nin odey ah, waa Odayaashii Umadda, Taariikh aad u dheer ayuu ku leeyahay dalkan iyo dadkan, odhan meeyno wuu khaldamay, balse xukunkaas lagu qaaday waxa uu ahaa Xukun qarqoosh, meel gaar ah laga soo abaabulay, cid gaar ahi soo abaabuushay, wax aanu yeeli karayno maaha, wax la qaadan karayo maaha, in Umadda lagu dhaqana maaha, dadka meesha fadhiya ee doonaya inay sidaas dadka u kala saarana waxa aan leeyahay Umadda Illaahay kaga yaaba, Ninkaas aad xukumaysaan inuu berito nasiib u helo inuu Madaxweyne noqdo oo uu beri ku xukumo, kuwaas halkaas fadhiya ayaanu u sheegaynaa, oo waxaan leeyahay dadka u dhexeeya, waar Maxkamadaha wax ha laga qabto, oo Garsoorka wax ha laga badalo, xaqa ha loo gargaaro, wanaaga ha loo gargaaro, wixii dadka isku dilaya ha laga daayo,  dulmiga ha la joojiyo, 

Sheekh Aadan Siiro  “Dalka waxa halkaas dhigay waa Musuqmaasuq, aafo kale oo dalka ka jirta ma jirto, aafo kale oo Musuqmaasuq ahayni ma jirto, Kursigaas maxa la iskugu dilayaa, Sanad ayaad Taajir ku noqonaysaa, Sanad ayaad Toban guri ku yeelaysaa, Sanad ayaad intaas oo Baabuur ku yeelanaysaa, Sanad ayaad Carruurtaada oo dhan Yurub ugu diraysaa, Sanad ayaad Carruurtaad oo dhan Jaamacado u diraysaa, sanad ayaad Dhulka ILLAAHAY oo dhan kala badh yeelanaysaa,ILLAAHAY ha lagaga yaabo Hantida Muslimiinta, haddii la yidhaahdo aafo Musuqmaasuq ayaa jirta in wax laga qabto mooye, ayaan dhib dadka la gelin, arintaas waxa aan leenahay cadaaladi umey dhicin, Rag Gogoshii waa Nabad, Rag gogoshii waa Cadaalad, dal dhismihiisu iyo wada jirkiisu waa cadaalad, haddi taas la waayo dhibaatadeed ayey leedahay, Yuusuf Cabdi Gaboobe haddii uu khalad qorey kuma raacayno, haddii ay sugan tahay iyo haddii aanay sugnaynba wixii khalad ah kuma raacayno, haddii uu wax ka qorey musuqmaasuq in sidii argagixisada la laad laadiyo in Shabaga maaha , Garsoorkana waa loo suman yahay, Afweyne ayaan dumay, qaar ka waaweyn ayaa dumay, Afweynayaal kale ayaa dumaya, kuwa ay doonaan ha ahaadeene, cadaalada ha la ilaaliyo oo qofka marka uu khalad sameeyo, waxa yar ee aynu ku heshiinay ha lagu qaado, oo qareenkiisa ha la dhegaysto, oo wixii ka soo baxa ha lagu dhaqmo, waxaan aad ugu hambalyeynaynaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, waxaanu istaagay Mawqif la taaban karo, hadal cad oo waadix ah ayuu ka yidhi Xukunkii ku dhacay.”