Mujaahid Ibrahim-Dhegaweyne Oo Ka Hadlay Xaaladda Wadanka

0
813

Picture3Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo ka mida ah Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka ayaa ugu baaqay dhamaanba Wargeysyada ka soo baxay dalku in joojiyaan soo saarida jariiradaha inta uu talada dalka hayo Madaxweyne Siillaanyo. Mujaahid Ibraahim Dhagawayne ayaa waxaa uu sheegay in ay Xukuumadda haatan talada dalka haysaa ay baabi'isay qaranimada Jamhuriyada Somaliland isaga oo sida oo kalana tibaaxay in ay Xuduud waliba ay isa soo xidhay intii uu hoganka uu hayey Siillaanyo. Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo ka hadlaayey Shir jaraa\iid oo si wada ah u qabteen xisbiyada Mucaaradka ah iyo Madasha Wadatashiga ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay  "Awooda dalku waa shicibka,waxa weeye waanu calaan calaynaayo waxaas ka baxa, oo dee runta ayad ka war wareegaysaan ama jaraa'ido ahaada ama Axsaabtaba ahaada  Nusasaace aad halkaas is taagtaan ayaa aad kala yaacaysaan been ha isu sheegina ee dhiig baa lagu shubaa waxan oo dee dhiigiin u shuba ama isaga taga oo dee nusa sace halkaas istaaga nina qori idin kuma ridi karo"

Ibraahim dhaga wayne oo hadalkiisa sii wata aya waxaa uu yidhi "Waa uu lumay Qarankani oo qarnimadii ayaa koonfur lagu daray ma jiro dalkani oo Xuduud waliba waa taa nagu Xidhan tay waa ay soo oodan tay meel waliba iska daayaa Soo sarida jaraa'idkaba taasa la idiin qaatoo mudaharaada Jariiradba ha soo saarina Somaliland-ba waa laga waayey jariiradba hala yidhaahdee  in ta uu Siilaanyo uu joogo.”