Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Gudidii Qaban Qaabada Shirweynihii Afgarad 3

0
740

Picture1Hargeysa(Geeska) -Mulkiilaha Hotel-ka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa Xasan Bul Bul ayaa munaasibad casho sharaf ah ku qaabilay gudidii qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab ee dhawaan ka qabsoomay xarunta gobolka Hawd  ee magaalada Balli-gubadle.

Munaasibadan casho sharafta ah oo ka qabsoontay Hotel Hadhwanaag ayaa waxa ka soo qayb galay xubnaha guddidii qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab, Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, wasiir ku xigeenka  wasaarada arimaha debada, Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay  mulkiilaha Hotel Hadhwanaag  Xasan Bul ayaa waxa uu sheegay in ujeedada uu munaasibadan casho sharafta ah ugu qabtay guddidii qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab tahay in looga mahad celiyo hawsha ay qabteen waxaanu yidhi “Waxaan is idhi malaa waxa haboon in loo mahad naqo guddidii qaban qaabada shirweynaha ee ku guulaystay inay qabtaan shirkii beelaha Arab kuwaas oo hawl aad u balaadhan qabtay, waxa kale oo mudan in loo mahad naqo dadweynaha ku dhaqan magaalada Balli-gubadle gaar ahaana dumarka oo hawl badani ku dhacday, shirkaasi waxa uu inoo ahaa duco, wax wada qabsi iyo inaynu xaqa wadanka aynu ku leenahay kaga hadalno, umaynaan dhalan inaynu soo saarno wax wadanka Somaliland wax yeelaya, taariikhdeeduna waxay tahay inaynu wadankan horu markiisa ka shaqayno, ujeedada kulankan waxa uu ahaa inaan idiinka mahad celino hawshii idinku dhacday ee aad ku guulaysateen.” Ayuu yidhi mulkiilaha hotel hadhwanaag Xasan Bul Bul

Gudoomiyihii guddida qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab Maxamuud Xuseen Xirsi oo isaguna ka hadlay munaasibadan casho sharafta ah ee lagu maamuusay ayaa waxa uu sheegay inuu u mahad celinayo  guud ahaanba dadkii kala qayb galay qabsoomida shirweynaha beelaha Arab waxaanu yidhi “Waxaan marka hore u mahad celinayaa mulkiilaha Hotel Hadhwanaag  munaasibadan uu nagu maamuusay, waxa uu ahaa ka mid ahaa dadka sida joogtada ah noola shaqaynayey ee hadyo jeer naga caawinayey shirarka aanu galayno, waxa kale oo aan aad ugu mahad celinayaa jaaliyadaha beelaha Arab ee ku kala nool wadamada debada oo taageero balaadhan ka soo gaystay shirkan marka laga reebo jaaliyada Ingiriiska oo aan ka soo qayb qaadan shirkan, waxaanu ahaa shirkii ay beeshu iskugu timaado mudo 432 sanadood ah, waxa kale oo aan u mahad celinayaa  gudoomiyihii guddida shir gudoonka shirkii beelaha Arab Maxamed Warsame iyo   gudoomiye ku xgeenkii Siciid Daahir Siciid  oo hawsha si fiican noola waday.” Ayuu yidhi gudoomiyihii guddida qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab Maxamuud Xuseen Xirsi. Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ka hadashay munaasibadan casho sharafta ah ee lagu maamuusay guddidii qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab  ayaa sheegtay inay wax lagu faano tahay inay isku yimaadaan beelaha Arab isla markaana ka tashadaan dantooda waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Waxaan u mahad celinayaa mulkiilaha Hadhwanaag ee  guddidii qaban qaabada shirweynaha  Beelaha Arab ku maamuusay  munaasibadan, runtii aad ayaan u naxsanaa markii aanu habeenimadii u hoyanay Balli-gubadle ee uu shirku furmi doono waxaanan is lahaa tolow siduu xaalku noqon, waxaanay wax waliba ku bilaabmeen jawi degan  iyo xaalad  wanaagsan, danta reerkuna way inaga dhaxaysaa qofku meesha uu doono ha ka tirsanaadee, waxaanu qofku wax ku yahay waa dadkiisa, aad ayaan ugu farxay markii aan arkay inay tolkay isku yimaadeen  oo talo wadaag muujiyaan shirkuna si fiican ku dhamaado waxaan wanaag iyo kal gacal ahayna lagama iman shirkaas, dadka kalana waa inaynu gacmo walaalnimo, mid baayac mushtari iyo mid taageeraba u fidino  oo wanaag laynaga arkaa” ayey tidhi marwo Edna Aada Ismaaciil,

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha debada Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahin oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa ka waramay sidii ay uga hawl galeen markii suldaanka Guud magacaabay guddida qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab

“Markii suldaan Cumar magacaabay guddida qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab, shir ayaanu iskugu nimid qoladayada dawlada ku jirtaa waxaanan is waydiinay inaanu wax ka ognahay gudidaas la magacaabay  oo  aan tashigeedu na soo gaadhin, markii aanu ogaanay in aanaan waxba kala socon ayaa waxaanu qaadanay go,aan ah inaanu u waraysi tagno suldaan Cuma Suldaan Maxamed oo guddidan magacaabay aniga ayaana lay diray  runtii si fiican oo maskaxi ku jirto ayuu gudidaas noogu soo bandhigay, shir ayaanu isku balansanay waxaanu shirkii noogu soo bandhigay guddida qaban qaabada oo uu noo sheegay  inaanu wax ka badali karno haddii kalana aanu sidaa ku hawl galino, anaguna waxaanu ka hawl galnay inay guddidaasi sidaas ku socoto oo aanu salaadiinta kalana ka hawl galno sidii ay u ansixin lahayeen, shirkaasi si fiican ayaanu inoogu dhacay hadana waxa loo baahan yahay in guddida haatan gacanta lagu hayo ee la soo dhisayaa ay noqoto mid dadka lagu soo darayaa ay noqdaan kuwa danta guud ku suntan.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha debada Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahin. Ugu danbayntiina Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo soo gunaanaday munaasibadan casho sharafta ah ee lagu maamuusay guddidii qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab ayaa waxa uu sheegay inuu shirkaasi si fiican ku soo dhamaaday isla markaana ay wax walba ka muhiimsanayd is arag iyo kulanka dhex maray beelaha Arab oo iskaga kala yimid meelo badan waxaanu yidhi “Waxaynu munaasibadan ku maamuusaynaa guddidii qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab, waxaanan rajaynayaa in guddida wadadana sidan oo kale loo maamuusi doono iyaguna hawl adag ayey hayaane, hawlihii shirka ka dhacay waxa ugu muhiimsanaa  kulanka umada kala raagtay ee aan is arag, waxa ka soo baxayana waxa ka waynaa  is araga iyo kulankaas waanu sii socon doonaa,  guddida aynu ugu magac darnay horu marinta Beelaha Arab meel kasta oo ay dagaan  waxaynu ku soo dooraynaynaa qodobo aynu u dhignay qofkii buuxin waayana raali ahow ayaa la odhanayaa kii kalana waa la soo dhawaynayaa, marka dad la dooranayo umad wada wanaagsan la heli maayo  laakiin waa inay inta badani wanaagsanaato, guddidana siyaasad looma dooranayo  mana aha inuu siyaasigu dantiisa ka dhex arko  waxa la doonayaa inay ka shaqeeyaan danta beelaha Arab iyo horu marintooda, insha allah waynu gaadhi doonaa hawsha aynu rajaynayno.”ayuu yidhi suldaan guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Ugu danbayntiina waxa munaasibadan shahaado sharafyo lagu gudoonsiiyey xubnihii guddida qaban qaabada shirweynaha beelaha Arab.