Duruusta FBI: Farsamooyinka Ugu Habboon Ee Aad Qofka Kale Ku Ogolaysiin Karto Waxa Aad Adigu Rabto

0
692

Hannaanka ugu fiican ee kooxaha la xaajooda afduubayaashu ay ku beddelaan maskaxda qofka kale (Q:2aad)

Hargeysa (Geeska)- Waxaa suurtogal ah in dadka qaar ku cowdaan in hannaankii shanta tallaabo ahaa uu shaqayn waayey, laakiin jawaabtu waxa ay u dhow dahay in mushkiladduba ay tahay adiga oo xaaladda sii cakiraya: Sidee aad u cakariyaa?

Inta badan waxaa dhacda in dadka qaar aanay si tallaabo tallaabo ah u soo marin marxaladahaas shanta ah ee aas-aaska u ah qancinta qofka. Haddii aad aragto in qofkii aad doonaysay in aad qancisaa uu sii fogaanayo, dib ugu noqo xisaabtaada, waayo waxa ay u dhowdahay in aad hawshaada ka bilowday uun qodobka afaraad ee ah “Raad ku yeelashada” isla markaana aad rajaynayso in qofkani uu isla markaba uu isaguna u gudbo tallaabada shanaad ee ah in uu beddelo hab-dhaqankan aad diidanayd oo uu taada raaco. Taasina weligeedna suurtogeli mayso. Haddii aad warkaaga uga bilowdo uun, “Dhegeyso, qodobkaas iyo qodobkaas ayaa aan kaaga saxanahay, adiguna kaas iyo kaas ayaa aad ku qaldan tahay” taasi marka keliya ee ay shaqayn kari lahayd, waa marka uu qofku yahay qof si dhab ah maskaxdiisu u qiimayn karto waxa maangalka ah iyo waxa aan ahayn. Waanay yartahay in dadka aad la xaajoonaysaa ay sidaas noqdaan, gaar ahaan marka qofku uu yahay qof dembi sida afduub oo kale ah faraha kula jiro.

Waraysi uu Eric Barker oo qoraaga maqaalkani ahi la yeeshay madaxii hore ee wakaaladda FBI u qaabilsanaa la xaajoodka afduubayaasha caalamiga ah, Chris Voss ayaa mar uu arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Dadka sameeya wada xaajoodka dhinaca ganacsiga la xidhiidhaa waxa ay inta badan iska yeel-yeelaa in qiirada iyo caadifaduhu aanay shaqaynayn oo jidka ugu fiican ee kuu furan marka aad qof heshiis kala xaajoonaysaa uu yahay in aad isku daydo in aanad haba yaraato ee ahayn qof iska qiirooda balse aad isu dhigto qof maangal ku xisaabtama. Laakiin waa aragti been iyo khayaali ku ah wada xaajoodka.

Bani’aadamka sidiisa ayaa ay ugu adagtahay in uu maangalnimada eego, sidaa awgeed halkii aad iska dhigi lahayd qof aaminsan in caadifadda iyo qiiradu aanay shaqaynayn marka wada xaajood muhiim ah lagu jiro, waxa aad xisaabta ku darsataa in khubarada ku xeeldheer la xaajoodka afduubayaashu ay dejiyeen hannaan qiirada iyo caafimadda ka dhigaya muhiim iyo jid raadayn badan oo qofka ay la xaajoonayaan ay ku hanan karaan. Waana xaqiiqada ay tahay in uu maro qof kasta oo wada xaajood ku jiraa.

– Tallaabada ugu muhiimsan ee qofku qaado marka uu doonayo in uu qof kale ku qanciyo aragtidiisa ama ku qasbo in uu ka noqdo ficil uu ku kacay, waa tii koowaad ee ahayd “Dhegeysi firfircoon” tallaabooyinka kale oo dhami taas ayaa ay daba socdaan, oo ay tahay in ay ka dambeeyaan, waana tallaabo adag, maadaama oo dadka badankooda uu dhegeysigu dhib ku yahay. Haddaba habka ugu fiican iyo xeeladda ay tahay in aad dhegeysigaas u marto kala soco qormadan qaybta berri, haddii Alle idmo…