Taliye-xigeenka Socdaalka Oo Iska Difaacay Eeddo Ay U Jeediyeen Ganacsato Yemen Ahi

0
510

Picture1

Hargeysa(Geeska)- Taliye Ku xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Saleeban Xasan (Sablaale) ayaa Shalay ka hadlay Yamaniyiin cabasho ka muujiyey dacadiyo ay sheegeen inuu ku sameeyey, waxaanu Yamaniyiintasi uu Taliye ku xigeenka Laanta socdaalku uu ku  eedeyey in dalka ay ka waddeen Falal Nabadgelayo daro, isla markaan talaabo ay ka qaadeen, waxaanu Beeniyey in aanay jirin  wax tacadii ah ay kula kaceen Nimankaasi.

Yamaniyiinta ayaa ah Ganacsato sida uu sheegay Dalka ka dhoofin Jiray Naxaasta iyo Iskaraabka, kuwaas oo uu ku edeeyey Taliye ku-xigeenku in ay ku kaceen Falal Amniga Lid ku ah waxaana uu yidhi. “Ninka Yamaniga ah waan garanayaa waxa la yidhahdaa Xusaan Cawad, waxaana Wakiil ka ah Ninka la yidhaa Raabi, Ninka Yamaniga ahina Dhaqamo Xun-Xun ayuu dhawr jeer ku kacay, manaa ah markii ugu Horaysay ee uu Dhaqankan oo kale uu ku kaco, Su’aalo ayaan waydiiyay waxaana uu iigu jawaabay Dawlad-ba ma tihiin Lacagna waan sitaa Dawladdana waan qalibi karaa”

Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Saleeban Xasan (Sablaale) oo Hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu raaciyay. “Lakiin Anigu Maalintaas Waan xidhay markaan eegay sida uu u hadlayo, wakiilkiisii dalka keenay ayaa Waraaq noo Soo qoray uu ku dalbanayo in dalka laga saaro, kaas oo ku edeeyey inuu khal-khal Amaan daro oo uu Wadanka  ka wado, markaas ciqaabteeda waanu marin doonaa Hay’adda u xil-saarana waanu nahay”

Dhanka Kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) ayaa sidoo kale ka waramay shaqada uu qabto ninka Yamaniga ah ee cabashada ka muujiyay, ayaa yidhi“Ninkani waxa uu dhoofiyaa Baytariyada Kharaabka ah, iskaraabka iyo Naxaasta, meel uu geeyana ma naqaan Kootanu wuu  ku xidhay Qalabkaas oo dhan, Waxaana markii hore ruqsada siisay Wasaaradda Ganacsiga lakiin haddii uu falal amniga lid ku ah gaadhay ma sii joogi doono Dalka,Waxa aanu tacdi u gaysanayna Ma jirto ,anaguna tacdiga ma gaysano.”

Taliye ku xigeenka Laanta Socdaalku waxa uu sidoo kale  Beeniyay Inuu dhawr Cisho Uu Xidhnaa,waxaana uu sheegay inuu markii uu yidhi Dawladda ayaan qalibayaa uu xidhay oo kaliya, Waxaa uu cadeeyey inuu dalka ka Mastaafurin Doonaan Ninkaas Yamaniga ah.