Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Sagaalaad uguna dambaysay qormadii uu Geeska Afrika kaga waramayey sagaal madaxweyne oo Maraykanka soo maray, oo xilka ka hor soo maray shaqooyin qallafsan oo marka imika magacooda la xasuusto aanay rumaysashadoodu maskaxda ku soo degdegeyn.
George H . W. Bush: Karrnigii shirkadda weyn aas-aasay.
Bush kii weynaa oo ahaa madaxweynihii 41aad ee dalka Maraykanku markii uu dhammaystay adeeggii gurmadka qaranka oo uu kaga qayb qaatay dagaalkii labaad ee adduunka, waxa uu dib u galay jaamacadda Yale oo iyadana markii uu dhamaystay ay isaga iyo xaaskiisu u guureen gobolka Texas isaga oo ka rajo qaba in uu shaqo ka helo shirkadaha iyo ganacsiga shidaalka ee gobolkaasi xarunta u ahaa.
Sidii uu filayey ayaa ay u noqotay oo shaqadii waa uu ka helay, laakiin waxa ay noqotay shaqo ah karraanimo uu ka helay shirkad uu lahaa nin ay saaxiib ahaayeen aabihii, waxa aanu bshii Mushahar u qaadan jiray lacag dhan 375 doolar.
Xilligaas Bush aad ayaa uu u hooseeyey dhaqaale ahaan waxa aanu la kifaaxayey nolosha qoyskiisa, sidaa awgeed shaqadiisan karraaninimada ah waa uu jeclaa, laakiin waxa uu lahaa himilo intaas ka fog oo ahayd in uu shaqaalenimada ka baxo oo ganacsi iyo shaqo uu isagu leeyahay uu abuuro.
Muddo gaaban markii uu waday shaqadii Karraaniga ahayd Bush waa uu iska casilay, waxa aanu bilaabay qorshaha shaqo isaga u gaar ah. sannadkii 1950kii, Bush iyo saaxiibkii ayaa wada bilaabay shirkad shidaal ay iyagu gaar u leeyihiin. Shirkaddaasi faa’ido badan ayaa ay heshay, aadna waa ay u ballaadhatay oo waxa ay gaadhay heer ay la tartantay shirkaddii caank ahayd ee Zapata Petroleum oo ka da’ weynayd. Bushna waxa uu madax ka noqday mid ka mid ah faracyadii shirkaddoodani yeelatay. Dhammaaad.