Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Mar Kale Isku-Shaandhayn Iyo Magacaabis Ku Sameeyey Golaha Xukuumadda, Gud. Baanka Oo La Eryey Iyo Wasiiru-Dowalayaal Soo Kordhay

0
411

Picture6Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saacadihii dambe ee xalay soo saaray wareegto isku shaandhayn iyo magacaabis uu ku sameeyey golihiisa xukuumadda.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu buuxiyey jagooyinkii wasiir ee ka bannaanaa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo uu qabashadeeda hore u diiday wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo wasaaradda Warshadaha oo uu isna iska casilay Md. Abiib Timacad. Sidoo kale waxa uu madaxweyne Siilaanyo xilkii hore ka beddelay wasiirkii beeraha Md. Faarax Cilmi Geedoole oo loo magacaabay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.

Dhinaca kalana waxa uu madaxweynuhu xilkii ka qaaday guddoomiyihii Bangiga dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi. Halka uu ka soo kordhiyey jago cusub oo ah wasiiru-dowlaha Macdanta iyo Tamarta.

Haddaba wareegtadan oo saamaysay sagaal boos oo isugu jirea wasiirro, Wasiiru-dowlayaal, agaasimayaal guud, guddoomiye ku xigeen gobol ayaa sidan u qornayd.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3082/032015,uu ku magacaabay  saddex wasiir, laba wasiiru-dawle, agaasime guud, Gudoomiyaha banka dhexe, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka hawd iyo Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha, isla markaasina xilalkii ay qaranka u hayeen  kaga qaaday saddex masuul oo kale.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:   Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada Wasaaraddaha Warshadaha, Waxbarashada, Beeraha, iyo Wasiiru-dawlayaasha Wasaaraddaha Macdanta iyo Tamarta, iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, (Bedel) hore wasiirkii Wasaaradda beeraha

2. In Mudane, Shucayb Maxamed Muuse, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

3. In Mudane, Maxamed Aw Daahir Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland

4. In Mudane, Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland

5. In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

6. In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

7. In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

8. In Mudane, Cismaan Cabdilaahi Hirad, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa

9. In Mudane, Warsame Faarax Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland

 Ujeedo:          Xil ka-qaadis

 Ku:     Mudane, Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL   

Ku:     Mudane, Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Hawd ee JSL

Ku:     Dr. Cismaan Xuseen Warsame,  Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka      .                

 Mudaneyaal,

Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hawd iyo Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi aad hayseen Masuuliyiinta kor ku xusan ee aan xilalkaa iyaga ah u magacaabay.

 ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)  Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.