Shaqooyin Hoose Oo Sagaal Madaxweyne Oo Maraykan Ahi Soo Mareen Xilka Ka Hor (Qaybta 3aad)

0
383

Picture2

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika kaga waramayey sagaal madaxweyne oo Maraykanka soo maray, oo xilka ka hor soo maray shaqooyin qallafsan oo marka imika magacooda la xasuusto aanay rumaysashadoodu maskaxda ku soo degdegeyn.

3. Gerald Ford: Waxa uu duubi jiray Beergarrada (Burger): Gerald Ford oo ahaa madaxweynihii 38 aad ee Maraykanka ayaa sida ku cad taariikhda waxa uu soo maray nolol dhaqaale ahaan aad u rafaad badan oo ku kalliftay in uu da’ yaraan ku shaqaysto. Gerald Ford, waxa uu la noolaa hooyaday oo ay isqabeen nin aan aabihii ahayn. Adeerkiisani (Ninka ay hooyadii wada joogeen) waxa uu ahaa danyar waxa aanu haysan jiray dukaan lagu iibiyo rinjiga, isla markaana bixiya adeegyada rinjiyeynta iyo farshaxanka rinjiga, Gerald xilligaas isaguna waxa uu ahaa gacanyare adeerkii ka caawiya hawlaha dukaankan. Intaas oo keliya ma’aha ee madaxweyne Gerald sidoo markii uu waxbarashada dugsiga sare ku jiray, saacadaha firaaqada waxa uu ka shaqaysan jiray hudheellada cuntada ee ku yaalla deegaankiisa, gaar ahaan waxa uu dubi jiray hilibka iyo cuntada kale ee lagu daro Beegarka (Burger), marna waxaabu ahaa gacanyaraha marka Beegarku soo baxo u duuduuba una diyaariya macmiilka.

– Gerald waxa kale oo uu aad u ciyaari jiray kubadda cagta oo uu mar u ciyaari jiray jaamacadda Michigan, waxaana la sheegaa in yaraantiisii ay kooxaha kubadda cagta ee degmadiisu soo dalbadeen laakiin uu iska diiday isaga oo doonayey in uu waxbarashada sii wato awgeed. In kasta oo markii uu waxbarahada sare bilaabayey uu hore u waayey ogolaanshaha jaamacadda kadibna uu bilaabay shaqo ahayd caawiyaha tababaraha kooxda kubadda cagta ee jaamacadda Yale, xilligaas oo ahaa sannadkii 1935kii Ford waxa uu mushahar u qaadan jiray $200 oo doolar bishii.

– Gerald Ford, kifaaxa nolosha haynteedu yarayd waxa uu sidoo kale u soo maray shaqo taas hore ka sii adag oo ahayd in uu noqday tababare dhinaca feedhtanka ah, xilligaas oo ahayd sannadkii 1938kii ayaa la sheegaa in sababta ugu weyn ee ku kalliftay shaqadani ay ahayd in uu iska bixiyo deyn lagu lahaa iyo in uu helo lacag uu iska bixiyo waxbarashada jaamacadda Yale oo uu doonayey in uu ka barto sharciga. 36 sano kadib oo ahayd 1974kiina waxa uu noqday madaxweynihii 38aad ee dalka Maraykanka. La soco…