Shirkada Sugan Motors Oo Gaadhi Guddoonsiisay Darawal Muddo U Shaqaynayay

0
626

???????????????????????????????Hargeysa(Geeska):-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo shirkada Sugan Motors ay gaadhi ku guddoonsiinaysay mid ka mid ah darawaliinteedii oo in muddo ah hore ugu soo shaqaynaayey  ayaa lagu qabtay xarunta shirkada Sugan Motors ee magaalada Hargeysa.

Waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha shirkada, maareeyaha, shaqaalaha, darwaliinta iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Maareeyaha shirkada Sugan Motors Md:Maxamed Cali Yuusuf oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu ugu horeyn ka xog waramay wakhtigii la’ aas aasay shirkada Sugan Motors iyo sida oo kale waxyaaba ay ka macrad ahaan qabtaan, waxaa kale oo uu faah faahin ka bixiyey darwalkan ay gaadhiga guddoonsiiyeen, isaga oo carabka ku dhuftay in kadib markii ay arkeen kartida iyo hawl karnimadii ka muuqatay ee uu sida hagar la’aanta ah uga soo baxay shaqadii shirkada ay ku maamuuseen in ay guddoonsiiyaan gaadhigii uu waday. Waxaana uu sida oo kale carabka ku dhuftay in ay sida oo kale jiraan dhalinyar kale oo iyaguna illaa tobaneeyo ah kuwaasi oo ah sugayaal u dadaalaya sidii ay u heli lahaayeen gaadhi la guddoonsiiyo.

"Shirkadan oo la'aas aasay 2012kii bishii May, oo macradkan xiligaa la furay, waxaa ay shirkadu xiligaa ay bilowday gaadiidka Tagaasida ee isaga kala goosha gudaha caasimada Hargeysa, kaasi oo ay dhalinyar aad u baaxad wayni kaga joogsadeen Tahriibtii iyo dhibaatooyinkii kale ee shaqo la'aanta ka haysatay, shirkadu waa shirkad marka hore dhalinyarta maal-galinaysa, shaqo-abuurna u samaynaysa si ay shaqo u helaan. Shirkadu waxyaabaha kale ee ay qabato waxaa ka mid ah iibinta gawaadhida noocyadooda kala duwan oo aynu dee maantaba(Shalay) macradka aynu joogno, kiraynta baabuurta noocyadooda kala duwan, ha u waynaado Landcuzer hana u yaraado nooca loo yaqaano Indha-caddaha loo yaqaano iyo sida oo kale Zusukiyada oo aan kirayno iyagana. Mar walba shirkadu cida ay garabtaagan tahay waa dhalinyarta iyada oo diyaar u ah sidii ay dhalinyartu shaqo ay u helilahaayeen, dhinaca shaqo abuurka iyada oo ay shirkadu dhiiri galinayso waxaa ay samaysay qofkii ugu horeeyey ee darawal ah in lagu doonsiiyo gaadhi, oo ay macnaheedu tahay qofkii muddo darawal ahaadaba gaadhi in la guddoonsiinaayo waliba gaadhiga uu wado si uu qofkaasi ugu dhiirado shaqada. waana runtii wax ka soo fulay guddoomiyaha shirkada, iyada oo dhiiri galinaysa dhalinyartaas.”Ayuu yidhi Md:Maxamed Cali Yuusuf.

Md:Maxamed Cali Yuusuf oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in shirkada Sugan Motors ay tahay shirkad u taagan shaqo abuurka iyo sida oo kale dhiiri galinta sidii ay dhalinyartu ku heli lahaayeen fursado shaqo-abuur, waxaana kale oo uu tibaaxay in ay ka shirkad ahaan sida oo kale ay qabtaan adeegyo badan oo ay ka mid yihiin kiraynta baabuurta, iibinta gawaadhiga noocyo kala duwan leh.

“Hadaba halkan maanta(Shalay) aynu ku suganahay ee xarunta shirkada Sugan Motors, waxaa ay guddoonsiinaysaa Muuse Ibraahim Aadam oo ah darawalkii koowaad ee ku guulaysta gaadhiga, waxaana aan ku wareejinaynaa gaadhigii, furihiisii iyo waliba waraaqdii nootaayada aanu kala qoranay ee uu ku mulkiyayey gaadhiga.halkana maanta oo ay wada joogaan dhamaanba madaxdii shirkadu in Muuse gaadhiga la guddoonsiiyo. Muusena waxaa uu abaal marin u helay gaadhiga la guddoonsiiyey, se Muuse oo qudha maaha, waxaa kale oo jira liis badan oo Muuse bada ku haya oo darawaliin kale oo iyaguna gacanta ku haya gawaadhiga shirkada oo hada sugayaal ah, oo runtii ah qaar horeba gawaadhiga u waday, qaar dhexda kaga soo biiray iyo waliba sida oo kale qaar kale oo iyaguna ku soo dhiraday markay arkeen Muuse oo gaadhiga lagu wareejinaayo in ay iyaguna ay yimaadaan.".Ayuu yidhi Md:Maxamed Cali Yuusuf.

Md:Muuse Ibraahim Aadan oo ah qofka ku guulaystay gaadhigan, ayaa isna waxaa uu cabiray dareenkiisa ku aadan gaadhigan lagu wareejiyey, isaga oo tibaaxay in uu si aada ugu faraxsan yahay, isla mar ahaantaana uu si aada ugu mahad celinaayo maamulka iyo hawl wadeenada kala duwan ee shirkada Sugan Motors, waxaana uu sida oo kale ugu baaqay dhalinyarta kalena in ay ku soo dhiiradaan sidii ay ugu soo xidhmi lahaayeen shirkada Sugan Motors.

"Marka hore Illaahay ayaan u mahad naqayaa marka xigana shirkadan Sugan Taxi ee ugu wareejisay gaadhigan aan mudada waday, dhalinyartana waxaan ku guubaaninayaa in ay sidaydaas oo kale u soo adkaystaan waxa ay qabanayaan, waana ay ka faa'idi doonaan, waxaana aan idin leeyahya shirkada Sugan ku soo dhawaada, abaalmarintiina dee guddoonta."Ayuu yidhi Md:Muuse Ibraahim Aadan.