Odayaasha Bariga Sanaag Oo Sheegay Inaanay Somaliland Ka Helin Saamigii Ay Lahaayeen

0
544

Picture3Hargeysa (Geeska)-Cuqaashada, Odayaasha, Wax-garadka, Aqoonyahanka,  iyo Dhalinyarada Beesha ka soo jeeda Sanaag Barri, ayaa waxaay baaq u direen Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyaga oo sheegay in saami qeybsigii ay xaq u lahaayeen aanay ka helin Xukuumaddan, waxayna ku baaqeen in xaqa iyo cadaalada la ilaaliyo oo saamiga xaqa ay u lahaayeen la siiyo.

Cuqaashan, Odayaashan iyo Wax-garadka ka soo jeeda Beesha Sanaag Barri oo Shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay  Cabdilaahi Maxamuud Cabdisalaan oo isagu Shirkaas jara’iid ka hadlay waxaana uu yidhi “Wixii la qeybinayo waa in laga wada hadlaa, waa la iskaga yimaada, waa in laga wada tashadaa, wada tashigaas ayeyna Somaliland waligeed ku soo caano mashay, hadeerna waxa aan leeyahay Shacabka reer Somaliland ee na garab taagani waa dad wanaagsan, waxa aan leeyahay aynu isku dhadhano, aynu isku muuqano, oo aynu is garano, wax sax ah oo inoo dhexeeya oo cadaalad ah aynu iskugu nimaadno, haddii kale wax wanaag ah oo inoo dhexeeya ma jirto”.

Waxa isna halkaas ka hadlay Siciid Xasan Cumar iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Beesha Sanaag Barri, iyaga oo tilmaaamay in xaqii, xuquuqdii iyo saamigii ay ku lahayeen Somaliland aanay ka helin, waxayna ku baaqeen in haddii saamigooda la siinin, inay tashan doonaan, kana tashan doonaan aayadooda.