Shaqaysiga Madaxa Bannaan Oo Dunida Ku Soo Badnaaya Iyo Faa’idooyinkiisa

0
1334

“Marka aad si madaxbannaan u shaqaysato waxtarka ugu badan ee ay leedahay waa in aad keliya u baahan tahay waxoogaa macaamiil ah si aad guul u gaadho. Shirkadaha badankoodu waxa ay u baahdaan in ay helaan kumannaan macaamiil ah si ay faa’iido u gaadhaan, laakiin adiga waxaa kugu filnaanaya in aad muddadiiba mar mid hesho” Sidaas waxaa yidhi Robert Williams.

Sahamin ay hay’adda Edelman Intelligence ee Maraykanka oo kaashanaysa madasha ‘Upwork’ samaysay sannadkii 2019 kii waxa ay ku ogaatay in dadka Maraykanka ah ee sida madaxbannaan u shaqaystaa ay tiradooda oo sii kordhaysay maraysay 57 milyan oo qof. Tiradaas xad dhaafka ah ee shaqaalaha suuqa madaxbannaan ka shaqaystaan ayaa ka qayb qaadatay in uu abuurmo suuq dhaqaalihiisa lagu qiyaasay hal Tirilyan oo doolarkla Maraykanka ah, taas oo boqolkiiba 5 ka noqonaysa waxsoosaarka gudaha (GDP) ee dalka Maraykanka oo dhan. marka ay sidaas tahayna waxa ay ka dhaqaale badatay suuqyo Maraykanka ah oo muhiim ah, sida suuqa dhismaha iyo gaadiidka, waxa aanay in yar ka hoosaysaa suuqa xogta.

Shantii sano ee u dhexeeyey 2014 illaa 2019 dalka Maraykanka oo keliya waxaa suuqa shaqaysiga madaxbannaan ku soo biiray 4 milyan oo qof, waxa ay ka dhigantay in uu kordhay boqolkiiba 35, waxaana la saadaalinayey in tiradaasi ay sannadka 2027 ka noqon doonto boqolkiiba 50 dadka Maraykan ee shaqeeyaa in ay si madaxbannaan u shaqaystaa. Waxaa ka sii yaab badan in boqolkiiba 51 dadka sida madaxabannaan u shaqaysta (Freelance) ay sheegeen in aanay marnaba diyaar u ahayn in ay qabtaan shaqo rasmi si kasta oo mushaharka iyo dheefta kale ee loo ballanqaadaa u badan tahay. Sababta ugu badanina waa iyaga oo shaqadan madaxabannaan u arka in ay tahay mid nolosha qofka hadba sida ku habboon ula jaanqaadi karaysa, qofka oo wadi kara isaga oo danihiisa wata, iyo in meel kasta oo uu tago uu shaqadiisa ka sii wadan karo.

Inkasta oo ay sahamintu ogaatay in kala badh dadka sida madaxabannaan u shaqaystaa ay haystaan shahaadooyin jaamacadood haddana, shaqada madaxabannaani shahaado sare uma baahna sida shaqada rasmiga ah, balse waxa ay u baahan tahay xirfad in uu qofku leeyahay. Dhinaca kalana qofka suuqa xorta ah ka shaqaystaa waxa uu ku qasban yahay in uu joogto u dhiso xirfaddiisa iyo aqoontiisa shaqo si aan loogaga adkaan loollanka adag ee suuqa shaqooyinka madaxbannaan, halka qofka shaqada rasmiga ah hayaa aanu ku dadaali aqoon korodhsi, kuna koobnaado shahaadada uu shaqada ku soo galay marka laga reebo tababarrada kooban ee shaqada qasab kaga dhigayso. Arrintan ayaa sababtay sida ay sahamintu xustay in dadka sida madaxabannaan u shaqaystaa ay boqolkiiba 61 leeyihiin xirfado laba ama saddex ah oo ay ku xoogsadaan.