Shan Waddan Oo Bariga Afrika Ah Oo Lacagta Ka Midoobaya

30
1335

Picture3Waxaa todobaadkan shirweynihii wadamada ku bahoobay suuqa dhaqaalaha ee Bariga Afrika [the East African Community (EAC)] ay ku dhawaaqeen qorshe lagu mideenayo lacagta shantaasi wadan wada isticmaalaan.

Kulankii Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayaa lagu shaaciyey in muddo 10 sano gudaheed ah la mideyn doono lacagta shanta wadan isticmaalaan.

Shantan wadan ayaa hada mideeyey suuqyadooda ganacsiga iyo maalgashiga waxayna tani qeyb ka tahay dadaalka ay wadamadan Bariga Afrika ugu jiraan kobcinta dhaqaalahooda.

Wadamada Kenya, Uganda, Tanzania iyo Rwanda ayaa hore u mideeyey xiliyada ay soo bandhigaan Miisaaniyadooda sanadka oo ah bisha June ee sanad walba.

Dalalkan ayaa doonaya inay soo jiitaan maalgashiga caalamka xili wadamadan qaar kamid ah ay wadaan soo saarista batroolka.

Dalalka Ugandha iyo Kenya ee jaarka ah ayaa labaduba doonaya dhawaan inay bilaabaan soo saarista Batroolka. Sidoo kale dalka Tanzaniya ayaa heysta kayd badan oo ah Gaaska dabiiciga ah.“…Midnimadeena waxay fursado badan siin doontaa ganacsatadeena, waxayna ku khasbi doontaa ganacstada caalamka inay kusoo deg degaan imaanshaha iyo maal-gashiga gobalkeena…” ayuu yidhi Madaxweyne Uhru Kenyatta ee dalka Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa hada la wareegay Guddoonka ururka EAC ay ku mideysan yihiin shantan wadan waxaana sanadkii hore xilkan soo hayey Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musefeni oo sanadkan martida loo ahaa.

Talaabadan ay ku heshiiyeen shantan wadan ayaa ah mid wax weyn ka bedali karta dhaqaalaha wadamadan oo kamid ah kuwo dhaqaalahoodu soo korayo qaarada Afrika.

Dalka Kenya ayaa hada bilaabay mashruuc balaaran oo uu casriyeenayo wadooyinka tareenada, mashruucan oo ku baxaya 13.8 bilyan oo dollar ayaa waxaa fulinaya dowlada China, waxaana la doonayaa inay isku xiraan wadamada jaarka la ah, si markaasi wadamada aan xeebaha lahayn sida Rwanda, Burundi iyo Ugandha uga faa’iideystaan dekkadaha wadanka Kenya.

 

Comments are closed.