Ururka DAN Oo Ka Waramay Doorkoodii Xuska Naafada, Una Mahadnaqay Madaxweynaha

1
1133

Picture2Hargeysa (Geeska) – Ururka waddaniga ah ee Isku-xidhka taageerada naafada Somaliland ee magacoodu loo soo gaabiyo (DAN) oo door wayn ku lahaa xuskii maalinta naafada adduunka ee 3-da bisha December lagu qabtay caasimadda Hargeysa, ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka qaybgalkii xafladdaasi iyo taageeradii baaskiiladaha iyo mootooyinka ee uu u fidiyey dad naafada ah.

Agaasimaha DAN Mr. Cali Jaamac Xasan ayaa tallaabo geesinimo ah ku tilmaamay doorkii dawladdu ka qaadatay xuska maalinta naafadda, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka qaybgalay xafladdii lagu maamuusayey oo Salaasaddii lagu qabtay xarunta hay’adda Shaqaalaha Dawladda, halkaas oo lagu bixiyey 50 mootooyinka mashiinka ku socda ee naafada oo Madaxtooyadu u iibisay dad naafada ah iyo 150 baasiikaladood oo ay kharashkooda maalgelisay, isla markaana uu sameeyey ururka DAN.

“Baaskiiladahan la siiyey dadka naafada ah xuska maalintooda oo 150 xabo ahaa qaar aannu awood u lahayn maaha haddii aanay dawladdu gacan naga siin, siiba Wasaaradda Madaxtooyada, waxaannu aad ugu mahadnaqaynaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan oo hawshaa nagala hawlgalay.

Dadkii baaskiiladahaasi helay waxay u suurtogelin doontaa in ay dibada uga soo baxaan guriyihii ay ku jireen ee aanay ka bixi kari jirin, waxay u suurtogelinaysaa inay waxbarasho tagi karaan, shaqo doonan karaan ama inay si kasta bulshada dhexdeeda uga qaybqaadan karaan,” ayuu yidhi Mr. Cali Jaamac Xasan oo warbaahinta la hadlay shalay.

Agaasimaha DAN waxa uu sheegay in ay tahay markii u horreysay ee madaxweyne soo maray Somaliland uu taageero maaliyadeed oo intaasi le’eg u fidiyo naafada, isla markaana uu ka qaybgalo xuska maalintooda, waxaannu yidhi, “Waa tallaabo weyn in dadkii naafada ahaa qof qof aynu ugu qaybino wixii wax ka tarayey inay bulshada ka mid noqdaan, waa tallaabo aad iyo aad u muhiim ah oo aannu ku ammaanayno Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, waa markii kowaad ee waxtar maaliyadeed iyo mid maskaxeed labada ay dawladdu la garab istaagto, isla markaana waa xuskii u horreeyey ee maalinta naafada ee uu Madaxweyne ka soo qaybgalo taariikhda Somaliland. Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ah qaranka u halkii u sarraysay ayaa isa soo taago xafladdii naafada loogu dabbaaldegayey waxay muujinaysaa in dawladda ay ka go’an tahay in wax laga qabto rrimaha naafada, waanuna uga mahadnaqaynaa arrintaasi, taasina niyadda dadka naafada ah aad iyo aad ayey u wanaajinaysaa.”

Waxa kaloo uu tilmaamay sida wax loogu qaban karo dadka naafada ah si ay bulshada uga mid noqdaan loo baahan yahay in qofka naafada ah iyo qoyskiisaba wax loo qabto iyo in qorshahoodu ka mid noqdo siyaasadaha dawladda ee dhinacyada horumarinta sida waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka iyo dhammaan adeegyada aasaasiga, arrimahaas ay khibrad fara badan u leeyihiin maadaama ururkooda DAN oo muddo labaatan sanno ah ka soo shaqaynayey taageerada naafada, isla markaana adeegga samaynta baaskiiladaha naafada ay xaruntoodu keli ku tahay gobolka oo laga soo dalbado dalalka Itoobiya, jabuuti iyo Soomaaliyaba.

“Adeegyadan loo qabto dadka naafada ahi waa mid adduunka oo dhan ka jirta, marka aannu shirarka Afrika ka dhaca ee wax-u-qabashada naadada lagaga hadlayo waxa weji-gabax mar walba nagu noqon jiray marka nala waydiiyo dawladdiinu maxay ku taageertaa barmaamujka baaskiiladaha naafada, laakiin maanta ayuu weji-gabaxaasi naga baxay,” ayuu hadalkiisa ku koobay Agaasimaha ururka DAN Cali Jaamac Xasan.

 

Comments are closed.