Shan Cunto Iyo Cabbitaan Oo Daciifiya Shaqada Kelyaha

0
661

Beirut (Geeska)- Waxaa cilmi ahaan la wada og yahay in kelyuhu ay yihiin shaandhada dhiigga oo shaqo aad u badan u haysa hannaanka shaqo ee qofka, laakiin intaas kuma koobna ee sidoo kale waa isha awoodda iyo tamarta uu qofku ka helo. Labada kelyood waxa ay jidhka ka soo saaraan qashinka ka hadha cuntada si aanay dhiigga ugu dubin kadibna sun ugu noqon qofka. sidaa awgeed hawlgab kasta oo shaqadiisa ku timaadda ama cadilaad daciifisaa waxa ay khatar ku tahay nolosha qofka. Haddaba wargeyska Geeska Afrika oo soo xiganaya Shabakadda MBC waxa uu qoraalkan akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa noocyo ka mid ah cuntooyinka iyo cabbitaannada dadku aadka u isticmaalo, balse daciifiya shaqada kelyaha ama hawlgab ka dhiga, waxa aanay yihiin:

– Mac-macaanka oo ay ka mid yihiin keegga, noocyada xalwadda iwm.

– Dawooyinka

– Maaddooyinka kiimikada ah oo jidhka gala, gaar ahaan kiimikada samayska ah ee lagu daro cuntooyinka warshadaysan (Qasacadaysan).

– Al-koosha iyo sharaabka maandooriyaha ah.

– Dareeraha iyo cuntooyinka ay ku badan tahay barootiinta iyo dufanku.