Siyaasi Axmed Like Oo  Xukumada Ku Dhaliilay Qaabka Loo Wado Diiwaangalinta Madaniga Ah

0
528

Picture1Hargaysa(Geeska)- Aqoonyahan Axmed Cali Xasan (like),  kana mid ah   Siyaasiinta reer Somaliland ahna Guddoomiyaha Gudidda ururka Jiidali ee ay ku midobeen Beesha Subeer Awal, ayaa  xukumadda  talladda haysa  ku dhaliilay qaabka loo wado   Diiwaangalinta  iyo sida loo maamulay qorshaheedda.

Waxaana  uu sheegay inay wax badani ka khaldan yihiin, isaga oo  tilmaamay in aanay ku filnayn goobaha dadka loogu tala galay inay iska Diiwaangashaan oo aad loo yareeyey tiradooda.

Aqoon yahan Axmed Cali Xasan,  oo caawa  u waramayey qaar ka mid aha warbaahinta ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu shaqsiyan gebi ahaanba ka soo hor jeedo qoobak ay xukuumaddu u qorshaysay in dalka looga suurto geliyo diiwaan gelinta.

isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Runtii waxaan si buuxda uga soo horjeedaa qaabka ay xukumaddu u qorshaysay in dalka looga suura galiyo Diiwaangalinta iyo tirokoobka muwaadiniinta,isla markaana waa mid laga leeyahay dano gaar ah. Nidaamka dawladuhadda Diiwaangelintu waa mid aan caddaalad ku dhisnayn oo si badheedh ah loogu talagalay in lagu dulmiyo xuquuqda muwaadiniin  oo sharciga baal marsan waana  mid ay xukumaddu doonayso inay sida ay iyadu doonayso u maamulato. Markaa anagu taa waanu ka soo horjeednaataageersan yahey sidii loo heli lahaa cadaalad siman iyo awood qaybsi maamul oo lagu qanci karo in deegaanka iyo dadkaba lagu maamulo .”

 sidoo kale waxa uu soo jeediyey in si dhakhso ah wax looga qabto arrintaa waxaan uu yidhi.” Markaa waxaan leeyahay madaxwaynaha waa in si deg deg ah wax looga badalaa habaka loo wado inay u qabsoonto Diwaan galintu oo ah qaab khaldan oo baal marsan shuruucda dalka waana mid ay xukumaddu ku rabto inay kaligeed maamulato si ay u fushato diwaangalin been abuur ah oo ku shubasho ah

Waxaana uu intaasi ku daray.waxaan u  soo jeedinayaa maamulka xukumadda siilaanyo bulshada Somaliland way badan tahay dhulkay degaan ama ay ku dhaqanyihiin oo bari ilaa galbeed ayay kala joogaana markaa beelna meel ma wada joogaan,isla markaana ma helayaan gaadiid ay dadkooda kaga soo gurtaan hadba halka ay ku dhaqanyihiin kuna sii gura iyo dhaqaale toona,sidaa waygeed waxa dawladda laga rabaa inay kordhiyaan goobaha cod bixinta oo ay meel kasta gaadhsiisaa

dhinaca kale Aqoon yahan Axmed Cali Xasan (like),  ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo wax-garadka beelaha Subeer Awal in ay is-hortaagaan, isla markaana aanay ogolaanin diiwaan gelinta madaniga ah.  “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Siyaasiyiinta iyo wax-garadka Beesha  subeer Awal in ay is hortaagaan oo aanay ogolaan in la marsiiyo diwaan-gelintamadaniga ah. Qorshaha Diiwaan-gelinta  dawladu  rabo in laga fuliyo goboladda dalka  waa mid aan lahayn sharciyad  golayaasha barlamaanku ogolaaday, waa mid ay xukumaddu doonayso inay sida ay iyadu doonayso u maamulato .  Shacbiga Somaliland waxaan u sheegayaa  in qofkasta  oo muwaadiniin u siman Xuquuqda waxaana uu xil ka saaran yahay difaaca sharaftooda iyo Xuquuqdooda aas-aasiga ah Xukuumada Somaliland. ”