Shan Calaamadood Oo Aad Ku Garan Karto Saaxiibtinimada Waarta

0
1582

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah halbeegyada ay xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in lagu dhererin karo saaxiibtinimada si loo kala garto midda danta ku dhisan iyo saaxiibtinimada waarta ee runta ah. waayo waxa inta badan dadka ka qaldama marka xidhiidhka u dhexeeyaa uu saaxiibtinimo gaadhayo iyo marka kale. Waxaa muhiim ah in qofku uu kala garto saaxiibka, Jaalka, Rafiiqa, Kooxda, Deriska, garashada iwm.

Inta badan noocyadan xidhiidh waxaa si fiican loo kala gartaa marka ay muddo dheer jiraan ee labada qof ay dano iyo xidhiidho dheer oo kale dhex maraan. Calaamadaha gaarka u ah saaxiibka runta ah ee saaxiibtinimadiisu waarto waxaa ka mid ah:

In wixii laga midaysan yahay la wadaago, wixii lagu kala aragti duwan yahayna la isku ixtiraamo

Qasab ma’aha in labada saaxiib arrin kasta ka midaysan yihiin, ama isku erey iyo ujeeddo ka noqon karaan, laakiin haddii aad aragto labada qof isu leh dulqaad ay ku maareeyaan kala duwanaanshiyaha, saaxiibtinimadooduna aanay liicin waa saaxiibtinimada runta ah ee waarta

Run iyo hadal la isu saafo

Waa waajib in labada saaxiib garbaha isqabsadaan, laakiin macnuhu ma’aha in uu mid kastaa ka kale ammaan u buuxiyo, waayo saaxiibtinimada runta ahi si ay u badbaaddo waxa ay marar badan u baahan tahay hadalka in la isu saafo iyo in aan uurka la isu guntin.

Saaxiibka runta ahi waa ka cabashadiisa iyo walaaca uu qababo si ixtiraam badan kuugu sheegi kara, marka uu arko in aad jid qaldan martayna gacanta ku soo qabanaya isaga oo aan dhaawacin sharaftaada.  In aad hesho ruux ku dhegeysanaya, danaynaya sharaftaada iyo wanaagga mustaqbalkaaga, isla markaana ku siinaya fursad aad go’aan sax ah ku qaadan karto, waa calaamad kuu sheegaysa in uu yahay saaxiibka runta ah ee aad u baahan tahay.

Guushaadu waa farxaddiisa

Haddii aad aragto saaxiibkaa oo noqda qofka marka aad guul tirsanayso dadka kuugu soo hor xidhiidhiya, waxa aad ogaataa in uu yahay saaxiibka runta ah ee aad u baahan tahay. Waa calaamad muujinaysa in uu farxadda kula qaybsanayo ama ugu yaraan farxaddaada ku farxayo.

Waa astaanta saaxiibka runta oo lagu yaqaanno in uu warkaaga wanaagsan raadiyo.

Ruux ku fahmi kara ama isku deyaya in uu ku fahmo

Saaxiibka wanaagsani waxa uu waqti geliyaa in uu fahmo am aka garaabo duruufaha ku xeeran saaxiibkii, in uu dadaal badan geliyo taageeridda mawqifyada uu saaxiibkii qaato ee uu og yahay in aanu ku qaldanayn ama cawaaqib xun keenayn. Xitaa haddii dadka oo dhami ka soo horjeestaanna isagu waa uu ku garab istaagaa go’aankaas.

Ruux ag-jooggaagu qalbigiisa deeqo

Saacadaha ugu fiican ee qofku maraa waa kuwa uu la qaato saaxiibbadii, gaar ahaan marka kulanku uu yahay mid aan sii qorshaysnayn. Saaxiibka wanaagsani waa ka u boholyooba agjoogga saaxiibkii, in uu arko iyo in uu la fadhiyaana deeqdo.