Shan Arrimood Oo Haddii Aad Caadaysato Xilliga Shaqada Kaa Ilaalinaya Daalka Iyo Niyad-Jabka (1)

0
649

Hargeysa (Geeska)- Shaqada oo lagu dhex caajiso ama lagu dhex luloodaa waa arrin aad ugu badan goobaha shaqada, gaar ahaan xafiisyada, waxaana si gaar ah loo tilmaamaa xilliga duhurkii oo ah gooraha ugu fiican ee qofka hurda hore seegtaa seexan karayo. Ugu horreynba daal, caajis iyo lulo uu qofku dareemo xilliga qadadu waxa ay astaan u tahay in qofkaas jidhkiisu uu tebayo tamartii (Energy) oo ku yaraatay: Wargeyska Geeska Afrika ayaa u kuur galay ficilladaas, ayaa ka soo qaatay kuwan soo socda oo xalkoodii ay khubarada arrimahani khuseeyaan sheegeenna uu la socdo:

1. Cuntada:

– Quraacdu waa cuntada ugu muhiimsan saddexda xilli cunto ee aynu isticmaalno, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in quraacdu ay noqoto mid caafimaad qabta, qani ku ah maadooyinka cunto ee jidhku u baahan yahay. Quraacdu waxa ay jidhka gelisaa tamar maalinta inteeda badan uu haysan karo. Iska jir in aad quraacda ka tagto, ogona oo waa ay fiican tahay haddii aad beed ama cuntada galka leh ku quraacato, laakiin iska jir in aad ka boodsiiso, si aad caafimaadkaaga u dhowrto.

– Haddii saacadaha shaqadu badan yihiin waxaa qasab ah in waqtiga saxda ah ee cuntada aad hesho cunto, haba yaraato haddii ay doonto, laakiin in qofku cunto yar oo qado ah helaa waa qasab. Iska jir is-dherginta badan iyo gaajada badan, labadaba waa lagu luloodaa waana lagu caajisaa. Sidoo kale iska jir cuntooyinka sida degdegga ah u samaysma ee hudheellada, waxaa ka mid ah cuntada sonkorta badan leh, dufanka badan.