Reer Gabiley Oo Sameeyay Mudaharaad Ay Weercas U Xidheen Iyo Khasaaraha Dhaawaca Iyo Dhimashada Isugu Jira Ee Ka Dhashay Gadoodkaas

0
600

Picture5Hargeysa(Geeska):-Hal qof ayaa ku geeriyooday ugu yaraana 7-qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii ay ciidamada RRU-du ay rasaas u adeegsadeen mudaharaad ay galinkii danbe ee shalay dhigeen dad-weynaha ku dhaqan Magaalada Gabiley oo ka gadoodsanaa dilkii dagmada qori-lugud ee Gobalka Tog-dheer loogu gaystay Taliyihii Ciidanka Qaranka ee Guutada 17-aad Alleh ha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Muxumed iyo sida oo kale Sarkaalkii Qorshayntaa ee guutadaasi Marxuum Jaamac Maxamuud Xadi oo uu labadoodaba dilay nin ay isku ciidan ahaayeen.

Dadkan Mudaharaadayey oo isoo soo bax balaadhan sameeyey ayaa waxaa ay gabi ahaanbta xidheen wadooyinka waaweyn ee hawlbowlaha u ah Magaalada Gabilay,waxaana ay sida oo kale ay Taayiro ku gubeen isla waddooyinkaasi,waxaana mudaharaadkani ayaa sida ay mid

Mudaharaadkani shalay ay isagu soo baxeen dadweynaha reer gabiley ayaa waxaa ay gabi ahaanba xidheen wadooyinka waa weyn ee halbawlaha u ah ee magaalada Gabiley iyada oo sida oo kalena ay Taayiro ku gubeen waddooyinkaasi,waxaana ay dadkan mudaharaadayey ay soo xidheen Maro cas oo oo ay ku muujinaayeen dareenka murugada leh ee ay ka qabaan dilka loogaystay Marxuum Maxamed Yuusuf Muxumed oo ka soo jeeday Gobalka Gabiley.

Qaar kamid ah dadkii ka qayb qaatay Mudaharaadkaasi ayaa waxaa ay sheegeen in ay si aada uga xun yihiin dilka loo gaystay Marxuumka isla mar ahaantaana ay Mudaharaadkan uga danleeyihiin Tacsi baroor diiq ah oo ay u muujinayaan Sarkaalka la dilay.

"Waxaanu halkan aanu u nimi tacsi baroordiiqeed  oo aanu u samaynayno Walaalkeena Gobalka ka maqan aynu u samaynayno,waxaanu leenahay qaranka ayaa lagu dilay oo dirays qaran ayaa lagu dilay oo xidhan dirayskii qaranka,markaa ma aqbalaynoo,ma yeelayno,oo deeqdaada badan kolna aan dal dalo kolana aan dilo yeeli mayno ayaanu leenahay"Ayuu yidhi Mid kamid ah dadkii mudaharaadayey.

Waxaa ay sid oo kale ay dadkani ugu baaqeen Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo in ay Todoba cisho gudahood ay ku horkeento cidii falkaas dilka gaystay.

"Xukuumada talada haysaa waa in ay todoba cisho gudahoood ay nagu horkeentaa,gacan ku dhiiglihii dilkaas gaystay"Ayuu yidhi Mudahraade kale oo isna halkaasi ka hadlay.

Dhanka kale Maayirka Magaalada Gabiley Md:Shucay Axmed oo isna ka qayb galay Munaasibad Tacsi baroor diiq ahayd oo loo sameeyey Sarkaalka dilka loo gaystay aya dhankiisa waxaa uu sheegay in uu Xukuumada ugu baaqayo in ay si dag deg ah ay sharciga u horkeento cida dilka gaysatay."Anigu runtii aniga oo aan dareenkayga cabiri karayn waxaa uun aan odhanayaa,in sharciga la horkeeno cidii waxaas gaysatay,waanan dhamaantiinba aan idin la qabaa dareenkaa ah in sharciga la horkeeno cidii dilkaas gaysatay,isla markaana cadaalada la mariyo"Ayuu yidhi Maayirka Magaalada Gabilay.