Shalay Iyo Maanta: Weedhaha Kala Fog Ee Guddoomiye Saleban

1
567

Picture9Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, oo xilliyadii madaxweynayaashii hore ay talada hayeen ahaa hoggaamiye mucaaradeed oo mayal adag, ayaa maanta u muuqda mid ay wax badani feker ahaan iska bedeleen.

Md. Saleban, wakhtiyadii ay labadii madaxweyne ee hore Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, xilalka hayeen wuxuu mar ahaa mucaarad abaabula kacdoonadii ku kacsanaa Madaxweyne Cigaal, halka wakhtigii Rayaalena isagoo ah guddoomiyaha golaha guurtida uu haddana si adag u naqdiyi jiray hoggaamintii siyaasadeed ee Daahir Rayaale Kaahin. Laakiin guddoomiye Saleban, wakhtigan oo uu Madaxweyne Siilaanyo xilka qaranka hayo wuxuu u muuqdaa mid ay wax weyni iska bedeleen, mararka qaarna waxaabu si dad-ban iyo si toos ahba ugu jawaabaa mucaaradka naqdiya.

Tusaale ahaan guddoomiye Saleban, hadal uu Axadii ka jeediyay xaflad loo sameeyay furitaanka shirkadda kalluunka Somaliland iib gaynaysa ee Pondus Marine, wuxuu sheegay inaanay siyaasadda Somaliland ee wakhtigani u baahnayn khilaafaad, isagoo sheegay inay qaranimada Somaliland jirtay 23 sannadood oo keliya,  “Siyaasadda dalkani maanta khilaafaad uma baahna, waana dal yar oo jiray 23 sannadood, weli maynaan gaadhin dawlad maamusha dal faqiira, waxayna ila tahay inaynu isku soo dhawaano oo gacmaha is qabsano oo aynu dhinac u wada jeedsano.” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleban-Gaal.

Hadalka guddoomiye Saleban, wuxuu u muuqdaa mid waano ah, waana mid miisaankiisa leh, waxaana dabcan la is odhan karaa waxa ka keenay khilaafaadka iyo muranada siyaasadeed ee macno darada ah ee dalka ka jira wakhtigan. Hase yeeshe marka xusuusta dib loo celiyo, guddoomiye Saleban, wuxuu mucaaradad adag la soo taagnaa iyadoo ay Somaliland ka ilaal yartahay maanta, kana jilicsanayd, isagoo madaxweynayaashii hore, gaar ahaan Daahir Rayaale Kaahin ku eedayn jiray xil gudasho la’aan. Tusaale ahaan bishii Febarwari ee sannadkii 2009, wuxuu guddoomiye Saleban hadal ka jeediyay fadhigii golaha guurtida, iyadoo ay wakhtigaas taagnayd xaasaasiyad la xidhiidhay qabsoomida doorashadii madaxtooyada, waxaanu isagoo si toos ah ula hadlaya Daahir Rayaale Kaahin, uu yidhi, “Madaxtooyadu xilkeeda ha ka soo baxdo, hawlo badan baa u yaala fulinta, meeday doorashadii? meeday diwaangelintii? doorashadii 29-ka March ayaa loo mudeeyay 45 cisho ka horna waa in lagu dhawaaqaa maalinta ay dhacayso oo digreeto lagu soo saaraa. Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka 5 sanno ayaa la doortay, 7 sanno ayay marayaan, waa muddo kordhintii saddexaad ta maanta la meermeerinayaa, waa xilgudasho la’aan, wax la kordhinayaana ma jiraan ee doorashadu wakhtigeedii bay ku dhacaysaa.”

Isagoo Saleban, maalintaas la hadlayay ciidamada ammaanka, oo la sheegi jiray inay kala dhawaysan jireen muxaafadka iyo mucaaradka, wuxuu yidhi, “Waxaan leeyahay ciidamada qarankoow, madaxda qaranka dhex baad u tihiin, doorashada dhex baad u tihiin, ilaalinta madaxda ayaad dhex u tihiin. Madaxda ciidamada waxaan leeyahay qaranku madax badan buu leeyahay ee laba qudha maaha.”

Guddoomiye Saleban, wuxuu haddana farriin la xidhiidha ilaalinta nabadgelyada u dirayaa shacbaka Somaliland, waxase uu daba dhigayaa inay haddana xuquuqdooda ilaashadaan, waxaanu yidhi “Dadwaynow waajib baa idinka saaran dalka, nabadgelyadiisaa waajibka koobaad idinka saaran yahay, waxaan leeyahay dadwaynow nabadiina ilaashada, xuquuqdiinana ilaashada.”

Si kastaba ha ahaate, hadalada guddoomiye Saleban ee wakhtigaas oo sida muuqata uu kor iyo hoosba u hadlay, wuxuu jeediyay afar sannadood ka hor oo la dareemi karo halka ay itaal ahaan taagnayd. Waxaana la dareemi karaa kala fogaanshaha ka muuqda labadiisa aragtiyood.

Comments are closed.