Hablo Laga Soo Tarxiilay Sucuudiga Oo Hargeysa Yimid

3
556

Picture8Hargeysa (Geeska) – Magaalada Hargeysa, ayaa waxa shalay ka soo deggay tobaneeyo hablo dhalinyaro ah, kuwaasi oo laga soo tarxiiley dalka Sucuudi Carabiya oo ay muddo si aan sharci ahayn u joogeen.

Dhalinyaradan hablaha ah oo dhammaantood reer Somaliland ah isla-markaana siyaabo kala duwan oo Tahriibku ka mid yahay ku galay dalka Sucuudiga, ayaa waxa Madaarka diyaaradaha Hargeysa keentay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Daallo.

Hablahan dhalinyarada ah oo saddex maalmood ka hor diyaaraddii ka soo qaadaty Sucuudigu ku dejisay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay iyagu soo goosteen tigidhka ay ku soo raaceen diyaaradda Hargeysa keentay, sida uu sheegay Taliyaha laanta socdaalka ee Madaarka diyaaradaha Hargeysa oo Geeska Afrika la hadlay.

Taliyaha laanta socdaalka Madaarka Hargeysa Cabdi Saleebaan Aaden, waxa uu sheegay in hablahani u sheegeen in laga soo tarxiilay dalka Sucuudiga “Waala soo tarxiilay ayay yidhaahdeen, diyaaradduna Muqdisho ayay na geysay oo saddex habeen ayaanu joognay, markaa annaga ayaa tigidhada (Hargeysa lanagu keenay) soo goosanay ayay yidhaahdeen” ayuu yidhi taliyaha laanta socdaalka ee madaarka diyaaradaha Hargeys, waxaanu intaa ku daray in diyaaraduhu si joogta dalka u keenaan dhalinyarada dalalka carabta laga soo mastaafuriyo, isaga oo xusay in maanta ahaanna hablo kale oo badan Sucuudiga laga soo tarxiilay la keenayo Hargeysa “Dad badan ayay keenaysaa diyaaraddu beri (Maanta) oo Sucuudiga laga soo tarxiilay, waxayna isku soo daraysaa kuwa Xamar iyo kuweenna”

Comments are closed.