Cismaan-Kalluun Oo Ay Xukuumadu Sheegtay Inay Cafiday Oo Haddana Mar Kale Afka Furtay

4
750

Picture10Muqdisho(Geeska)-Siyaasiga Cismaan Jaamac Cali (Kalluun), oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a federaalka, ayaa mar kale afka furtay, isagoo Somaliland ku maseeyay tuulooyin yaryar oo ku teedsan Koonfurta Somaliya oo maamulo samaystay.

Mr. Cismaan-Kalluun, oo wakhtigan ah siyaasi da’ ah balse ka soo horjeeda aayo ka tashiga shacabkiisa, waxa uu laba sanno ka hor safar ku yimid Hargeysa, waxaanay xukuumaddu sheegtay inay cafiday, taas oo uu macnaheedu yahay inuu ka laabtay mabdi’isii Somaliweyn. Hase yeeshe Cismaan-Kalluun, oo shalay ka qayb galay shir ay dawladda Somaliya ku qabatay magaalada Xamar, ayuu afka ku furtay, waxaanu si toos ah u maagay qaddiyadda Somaliland, “Tobankan Milyan ee Alle ku abuuray dhulka barwaaqada ah ee istaraatajiga ah ayaan maqas la galayaa oo aan Land–Land, Puntland, Somaliland, Jubaland, Afgooye land. Kelmadan Somaliland, Xamar waa Somaliland, waa dhul Somaliyed, kismaayo waa dhul Somaliyed, waar kelmada land waa kelmad Ingiriisiye, kuwii ina qaybiyay ayaa iyagu isku darsaday oo isku heshiiyay markaas sideen ugu fikiri karaa inaan maqas qaato.”

Mar kale, wuxuu durayaa jabhadihii Somalida ee riday dawladii Maxamed Siyaad Barre oo uu xarafkooda u horeeyaa ku bilaabmi jiray ‘S’ “Wwaar waa Stii beenta ahayd ee joojiya laantan faraha badan leh oo aynu Somali noqono oo cadaalad ku shaqayno.”

Cismaan-Kalluun, isagoo weli da’ ah ayuu ku dheganyahay riyadii midnimada Somaliya ee burburtay, waxaanu ku sii socdaa inuu si cad uga horyimaado aayo ka tashiga umadda uu ka dhashay ee Somaliland. Waxase iyaduna wax la iska weydiin karaa macnaha cafiskii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay inay u fidisay siyaasiga sidan u hadlaya.

Siyaasiyin kale oo Cismaan la afkaar ah oo uu kamid yahay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka soo caal waayay midnimada uu 23 sannadood ka dib ka sheekaynayo. Waxaanan Cismaan ugu baaqi lahayn inuu u soo noqdo doonista shacabkiisa Somaliland, kana noqdo midnimada riyada ah ee burburtay.

Comments are closed.