Shacabka Somaliland Oo Shalay U Dabaal-Degay Maalinta Qaranimada Ee 18 May Iyo Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Biixi

0
374

Hargeysa(Geeska)-Shacabka Somaliland ayaa si weyn shalay u xusay sannad guurada 28aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyadeedii kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay shacabka Somaliland wuxuu magaalada Hargeysa kagala qayb galay xuska sannad guuradan iyadoo ay jidka badhtamaha Hargeysa socod gaarid ah ku mareen ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay halkaas ayaa wuxuu khudbadiisa ku bilaabay sidan “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamman ummadda reer Somaliland, meel ay joogaanba.  Dabaal-degga Xuska 18 May oo ku beegan Siddeed iyo Laabatan guuradii la soo noqoshadii xorriyadeenna.

18 May waa maalin qadarin iyo maamus ku leh dhammaan shacabiga Somaliland. Waa maalin qof kasta oo muwaadin ah qalbigiisa ku xardhan. Nacabkuna uu ka naxo. Waa maalin uu colaadiyo cadowgeennu. Waa maalin shacbiga Somaliland muujiyay cududdiisa.

18-kii May 1991-kii, reer Somaliland waxa u baryay waa-san oo ku suntan erayadii Alla ha u Naxariistee, Cali Sugule ee ahaa “Waa baa baryay, bilicsan, Maalin baxsan, kii ka baydhee, bahdii ka leexda, ee Boqonta gooya, Waa Baa’ba’iisa.”

Qaranka Somaliland waxa lagu hagaa hogaamin talo-wadaag  ah oo ka kooban Xisbiyo, Golayaal Sharci-dajineed, Garsoor iyo Xukuumad ku joogta tubta Dimuqraadiyadda. Xukuumad u darban adkaynta nabadda iyo xoojinta  midnimada Somaliland iyo horumarinta maamul-wanaagga. Xukuumad la dareen ah shacbigeeda. Waa Qaran xilka hoggaaminta u saraysa isugu wareejiya hab doorasho xor iyo xalaal ah oo dhif iyo naadir ku ah Qaaradda Afrika iyo Adduunyada in badan oo kamid ah.

Dhamaanteen waxaynu ka midaysan-nahay dhismaha dalkeenna, nabadda, midnimada iyo ilaalinta xorriyadeenna, waxaana innoo udub dhexaad ah18-ka May, oo ah  Maalintii La Soo Noqoshada Xorriyadda.

Intaa kadib, waxaan ereyo kooban ka odhan doonaa dhawr qodob: 

  1. Adeegga Bulshada

1.1.            Caafimaadka:

Dawladnimo waa awood shacab oo lagu aaminay fulinteeda Xukuumadda, si ay u horumariso adeeg bulsho oo hufan. Shacabka Somaliland waxa xannaaneeya oo cudur iyo caabuq ka ilaaliya bahda caafimaadka oo saq dhexe iyo subaxba u taagan daryeelka caafimaad ee muwaadinka. In kastoo sannadkii 2018-kii, dakhliga Xukuumaddu koobnaa, maadaama dhibaatooyinku badnaayeen, dhoofkii xooluhuna xayirnaa, haddana Xukuumaddu waa ay  xoogga saartay oo ku dadaashay:

–          Waxa la dhisay dhawr iyo toban xarumo caafimaad oo cusub (Health facilities), waxaana la dayac-tiray, dibna loo qalabeeyey in ka badan konton  xarumo caafimaad, taas oo kor u qaaday 31% tirida dadka loo adeegaayo.

 

–          Xukuumaddu waxay xoogga saartay tayanta iyo qalabaynta Cusbitaallada ku kala yaalla Gobollada Sanaag, Sool, Togdheer, Awdal,  Saaxil iyo Maroodi-jeex.

–          Xukuumaddu waxay ka hirgalisay Cusbitaalka Guud ee Burco Mishiinka kalyaha lagu sifeeyo, oo markii hore ka jiray Cusbitaalka Hargeysa oo kaliya.

 

–          Waxa cudurrada faafa laga tallaalay 659,000 caruurta da’doodu ka hoosayso 5 jirka oo kala jooga gobollada dalka.

1.2.            Waxbarashada:

 Waxbarashada waxa koriya oo bar-baariya bahda waxbarashada oo ka saarta dadka mugdiga iyo jahliga, una gudbisa iftiinka aqoonta iyo hilaadinta himillada fog iyo horumarinta dalka. Xukuumaddu waxay iska xil-saartay horumarinta iyo dib u dhiska dugsiyada, kor u qaadida qalabka waxbarasho iyo kordhinta mushaharka macallimiinta.

–          Waxa la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda.

–          Waxa la qaybiyey 1,200,000 (Hal Milyan Lix Boqol oo Kun oo Buug) oo la gaadhsiiyey ardayda tiro badan oo kala jooga gobolladadalka.

 

–          Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 454 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka.

 

–          Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta.

1.3.            Biyaha 

–          Waxa dadaal xoog leh lagu bixiyey sidii Caasimadda Somaliland ee Hargeysa biyo ku filan u heli lahayd, waxaana la kordhiyey ceelasha biyo soo-saarka Geedeeble 21%, waxaana qorshaysan in labada sanno ee soo socda 42% la kordhiyo biyo-soo-saarka Caasimadda, iyada oo mishiinnadii biyahaas soo gudbin lahaa ay gebogebo ku jiraan.

–          Waxa laga qoday gobollada dalka 27 Ceel oo dhaadheer iyo 80 ballay sannadkii tagay, si loo xoojiyo biyo gaadhsiinta deegaannada miyiga ah.

  1. Shaqo abuurka Dhallinyarada 

Qaranka Somaliland waxa haydaarta iyo halisaha ka ilaaliya dhallinyaro (Wiilal iyo Gabdho) haybad iyo karti leh. Qaranka mustaqbalkiisa iyo karaamadiisa waxa cadawga ka difaaca dhallinyaro cuddoon, dal jecel, una darban in ay dalkooda dhistaan.

Dhallinyaradu waa xooggii maanta iyo hogaamiyayaashii Qaranka ee mustaqbalka. In rajo iyo goobo shaqo loo abuuro waa mudnaanta koobaad ee xukuumaddeena, waana waajib shacbiga oo dhan saaran.

Xeerka doorashooyinka ee Xukuumaddu curisay una gudbiysay Golayaasha Baarlamaanka waxaa loo qoondeeyay haweenka in 18 xubnood loo xidho oo ay si gaara ugu tartamaan.

Barnaamijka Shaqo Qaran 30% waxa loo qorsheeyey in gabdhuhu ay si gaar ah ugu tartamaan. Imtixaannada lagu galayay shaqada Dawladda waxa sannadkan la gaadsiiyay Gobollada Dalka, waxaana 30% loo qoondeeyey in gabdhuhu ku soo galaan shaqada.

 

Dhallinyarada la shaqo qaliyey waxay tiradoodu gaadhaysaa 1,654 (Kun, Lix Boqol Afar iyo Konton) Dhallinyaro ah. Intaa waxa dheer, 1,500 oo ah Barnaamijka Shaqo Qaran ah.

 

Marka loo tartamo dhammaan fursaha shaqo ee ka soo baxa Dalkeena, waxa mudnaanta iyo tix-gelinta koowaad la siinayaa dhallinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran ee dalkooda sida mutadawacnimada ah ugu soo shaqeeyey. 

  1. Dhaqaalaha 

Qaranka Somaliland waxa quudiya oo qadoodiga ka ilaaliya bahda wax-soo-saarka oo muruq iyo maskax u adeegsada siday dadkooda baahida uga saari lahayeen, kuwaas oo kala ah beeralayda, xoolo dhaqatada, kalluumaysatada, iyo warshadlayda dalka.

Qarankan waxaa saldhig adag oo dhaqaale u abuura, horumar dhaqaale oo dhinacyo badan lehna gaadhsiiya bahda ganacsiga oo adeegsanaya Suuqa Xorta ah (Free Market), iyaga oo raacaya qorshaha Qaranka ee ay soo diyaariyeen Wasaaradaha wax-soo-saarka, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Baanka Dhexe.

Nolosha dadkeenu waxa ay u qaybsan tahay sidatan:

–          Dadkeenu 65% waa xoola dhaqato,

–          20% waxay ku tiirsan yihiin beeraha,

–          3% waa kalluumaysato,

–          Inta soo hadhayna waxa ay ku tiirsan yihiin adeegyada ganacsiga iyo warshadaha fudud,

–          Dadkeena waxa lagu qiyaasaa maanta in 50% ay ku nool yihiin magaalooyinka,

–          Halka 50% na miyiga joogaan,

–          Tirada dadkeenu sannadkii waxay korodhaa 3.3%,

–          Tiradda guud ee dadweynaha dalkeena waxa maanta lagu qiyaasaa 3.8 Million. Toban sanno kadib, tiradda dadkeenu waxay kor u dhaafi doontaa 5 Million,

–          Qulqulka reer miyigu uu ku soo galayo magaalooyinku sannadkiiba waa 5%.

–          Taasi waxa ay u baahan tahay in qorshe qaran laga fikiro toban sano ka bacdi sida uu dalkeennu noqonayaayo.

 

Xukuumaddu waxay qorshaynaysaa mustaqbalka sidii loogu diyaar garoobi lahaa magaalooyinka sii ballaadhanaya iyo tirada dadka ee sii kordhaysa, si loogu helo adeeg hufan. Xukuumaddu waxa ay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii adeegga bulshada ee maanta kor loogu qaadi lahaa.

Taasina waxay u baahan tahay in wacyiga dadweynaha kor loo qaado, qof waliba fahmo in uu wakhtigiisa iyo dhaqaalihiisa kaga qayb-qaato kor u qaadidda adeega bulsho ee maanta iyo mustaqbalka. Muwaadin ogow Xukuumaddu qorshay keentaa, cududda fulisaana waa muwaadinka.

 

Dhulka sannadkii oo dhan la beeri karo ee Somaliland waxa lagu qiyaasaa Saddex Boqol iyo Konton Kun oo Hector, laakiin hadda waxaynu ka beeranaa 3%. Qaran ahaan himilladeenu waxa weeyi in sannadka 2022 la beero 15% ka mid ah dhulkeena beeraha ku haboon. Dhulkeena waa in loo beero hab casri ah, xoolaha noolna loo dhaqo hab casri, si loo kordhiyo wax-soo-saarka dalka.

3.1. Khayraadka Dalka

Waxa la sahamiyay khayraadka kala duwan ee dalka sida shidaalka iyo macdanta, sahankaasi wuxuu sheegayaa rajo aad iyo aad u saraysa oo qeexaysa inuu dalkeenna ku duugan yahay khayraad badan oo gali doona ganacsi weyn, innagana horumar dhaqaale inna gaadhsiin kara.

Waxa aynnu u baahannahay inaynnu la nimaadno dedaalkii dadka lacagta iyo aqoonta geliya wax soo saarka macdanaha iyo Baatroolka inaynnu la nimaadno oo aynnu ku kasbanno, taasina innaga ayey inagu xidhan tahay oo cid kale kuma xidhna, waxana la inooga baahan yahay inaynnu noqono dal ammaan ah, midaysan isku kalsoon, horumarkiisa raadinaya, cidda u timaadda iyo xoolahooduna ay ammaan ka helaan.

Taasina waxa ay inooga digaysaa khilaafaadka dhexdeenna ah, mucaariddada mararka qaarkood iskaga qaldanta qofkaad tartamaysaan iyo qaranka in la dumiyo, mucaaridkana waa loo baahan yahay oo waa miisaankii siyaasadda, waana inay dhaliilaan xukuumadda oo yidhaahdaan dedaal ma aha mucaaridku inuu yidhaahdo qarankaba halla dumiyo, haddaan kursiga waayo, taasina waa Xaaraan.

3.2. Maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta shacabka, waxay awood u yeesheen in ay hoos u dhigaan sicir-bararka.

18 May 2018-kii  sicir-bararku waxa uu ahaa 19.2%18-ka May 2019-ka, Sicir-bararka waxa hoos loogu soo dhigay 7.7%.

Halkaana waxa ka muuqata in Shillinka Somaliland uu xoogaystay oo uu qiimihiisu kor u kacay 24%.  Taas oo keentay daganaansho dhaqaale. Waxa aynu rajaynaynaa in marka Xooluhu innoo furmaan dhawaan Idam Alle, in dhaqaalaheenu kor u sii koco, suuqa sarrifka lacaguhuna xasillooni ku nagaado. 

3.3. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha 

–          Waxa la bilaabay dhismaha iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, si ay u noqoto Deked weyn oo casri ah oo la tartami karta Dekedaha kale ee Gobolka iyo Adduunkaba.

–          Waxa qorshuhu yahay in casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera qayb laxaad leh ka qaadato shaqo abuurka dhallinyarada JSL, isku xidhka iyo Iskaashiga Dhaqaale ee Gobolka Geeska Afrika.

–          Waxa la bilaabay dhismaha jidka ganacsi ee muhiimka ah ee Berbera Corridor, oo hal-bowle u ah Iskaashiga Dhaqaale ee Gobolka.

–          Waxa sidoo kale Madaarka Caalamiga ah ee Berbera isticmaali doona Shacabka iyo Alaabooyinka Ganacsi ee laga rarayo Dekedda Berbera, si loo dhiirigaliyo ganacsiga iyo isku-socodka dadka Gobolka Geeska Afrika.

  1. Amniga

 Ciidammada kala duwan ee Somaliland waa tiir-dhexaadka nabad-gelyada iyo amniga dhismaha Qarankeena curdinka, oo leh cadow badan. Xukuumaddu iyada oo taas aqoonsan waxay ku talaabsatay:

–          Daryeelka, Qalabaynta iyo kor u qaadka mooralka Ciidanka.

–          Kor u qaadista tababarrada iyo aqoonta Ciidamadda.-          Dhammaystirka Xeerka Xaq-siinta iyo Hawl-gabka Ciidammada Qalabka-sida. Xeerkaas oo hadda la yaalla Golaha Baarlamaanka.

Ummadda Somaliland way og-tahay mudnaanta iyo xaq-dhawrka ay leeyihiin Ciidmmada Qalabka-sida, waxaanay u hayaan abaal weyn. Qaranka Somaliland wax walba waa uu u hurayaa dhismaha, daryeelka iyo xaq-siinta Ciidammada Qalabka-sida.

Dhammaanteen, waxa aynu og-soonahay in Ciidammada Qaranku ku dhintaan iyaga oo nabadaynaya iska-hor imaadka beelaha iyo iyaga oo ka hortagaya dambiilayaasha amniga khal-khalinaya. Intaa waxa u dheer iyaga oo ka difaaca dalka cadow si toos ah iyo si dadbanba u soo weerara.

Dawlad iyo dadweynaba innaga oo aad uga damqanayna Ciidammada ku dhimanaya nabadaynta dhexdeena ah iyo ka hortaga dambiilayaasha, dawlad iyo dadweynaba waa in aan arrintaa meel uga soo wada jeedsanaa, oo gacan adag wax kaga qabano.

Qaranka Somaliland u dulqaadan maayo in cadow innagu dhex dhuuntay waxyeeleeyo nabadda iyo dagannaanshaha ummadda. Xukuumad ahaana dagaal adag baanu ka galaynaa arrintaa.  

  1. Doorashooyinka

Sida aad la socotaan, Qaranka Somaliland waxa uu ku dhismayaa doorashooyinka oo wakhtigoodii lagu qabto, Dib-u-dhaca doorashooyinku waa dhibaato siyaasadeed oo wiiqi karta midnimadeenna. Mudnaantu waa in aan ka baxno qabyaaladda oo aan dhisno Qaran dimuqraadi ah oo isku maamula doorasho xor iyo xalaal ah.

Labada doorasho ee isku sidkan ee sannadkan dabayaaqadiisa qorshaysan, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waxa ay fuliyeen dhammaan wixii kaga soo aaday miisaaniyad iyo xeerarba. Waxa kale oo ay aqbaleen dhammaanba soo-jeedintii Axsaabta Qaranka ee ahaa – In la kordhiyo tirada Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in Komishanka Cusub qabto doorashooyinka, waxannu aqbalnay Komishanka cusub ee la dooranayo waqtigii la dooranayey lasoo hormariyo oo bisha Siddeedaad kowdeeda la bilaabo magacaabiddooda, waxanau aqbalnay in Komishanka cusubi uu qabto doorashooyinka marka kii hore waqtigoodii dhammaado, waxannu diyaar u nahay inaannu ka qayb qaadanno oo aannu weliba tanaasul badan u samaynno wax kasta oo suurtogal ah oo ay xisbiyada mucaaridku tabanayaan si ay doorashadu inoogu qabsoonto.

Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waa u diyaar in ay doorashooyinku ku dhacaan wakhtigoodii. Waxaan ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo muujiyey xil-kasnimo iyo in uu diyaar u yahay doorashooyinka. Waxaan ugu baaqayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI in uu u soo diyaar garoobo doorashooyin ku dhaca wakhtigoodii, wax Allah iyo wixii aad naga codsateenna waannu dhammaynay, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo si gaar ah u diiddan doorashada, waxannu leenahay waxay dantu ku jirto in taageerayaashaadu kasoo qaybgalaan meelaha looga taliyo qaranka ee goleyaasha Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

Waxa kale oo aannu ku dhiirrinaynaa guddoomiyaha xisbiga sharafta mudan ee WADDANI inuu mar kaliya kasoo qaybgalo maalinta sannad-guurada 18-ka May. 

  1. Siyaasadda Arrimaha Dibedda

 Siyaasadda Arrimaha Dibedda waxa tiir-dhexaad u ah daris-wanaag, is-xaq-dhawr, Iskaashi dhaqan-dhaqaale, iyo ilaalinta nabad-kuwada-noolaanshaha Gobolka iyo Adduunkaba. Somaliland waxa ay u fidinaysaa gacan walaalnimo iyo saaxiibtinimo dhammaan dalalka Gobolka iyo Caalamka, intaba.

Waxaannu xoojinay Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee ku jihaysan Qaarada Afrika. Waxaannu u aragnaa in baadi-goobka ictiraafka Somaliland xooggiisa la saaro dalalka Afrika iyo Golayaasha Afrika. Waxaan u caddaynayaa Afrika in Somaliland tahay dal ku dhisan xuduudihii gumaysiga,taas oo waafaqsan Axdiga iyo Sharciga u yaalla Ururka Midowga Afrika, buuxiyeyna dhammaan shuruudihii looga baahnaa in dal jiraa in uu yeesho.

Xukuumaddu waxa ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu dar-dargalinayo xidhiidhka Beesha Caalamka oo dhan. Waxaad la socotaan wufuudda tirada badan iyo diblomaasiyiinta ku soo qul-qulaysa dalkeena. Arrimahaasi waxa ay marag u yihiin dar-dar-galinta iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.

6.1. Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia

Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Somalia. Somalialand waxay go’aansatay siyaasadda ah in mushkiladda lagu xalliyo si nabad ah iyo wada- hadal. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh.

Dadka maanta Muqdisho ka taliya waxa aannu leenahay intii aad Somaliland gaadhsiiseen dhibaato soddonkii sano ee aynnu  midaysnayn waxa ka culus oo nagaga khasaare badan siddeed iyo labaatanka aynnu kala maqnayn ee aad lahaydeen ma xoroobi karaan, ma ictiraafayno iyo waa qayb naga mid ah.

Lafta kala bogsatay la iskuma kabo, dadka soddonka sano kala maqnaana wa ayo cidda leh waan isku keenayaa, danta Somaliland iyo Afrika iyo adduunkuba waxa ay ku jirtaa inay labadaas dal noqdaan laba dal oo walaalo ah.

Somaliland waxay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha. Sidaas darteed, Somaliland waxay door-bidaysaa in mushkillada Somaliland iyo Somalia lagu xalliyo wada hadal macno leh oo lagu qabto fagaare caalami ah.

6.2. Iskaashiga Dalalka Gobolka.

Shacabka Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay door weyn ka qaataan isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. Somaliland waxa ay aaminsan-tahay, kuna shaqaynaysay intii ay jirtay Iskaashi, Is-xaq-dhawr iyo Daris-wanaag.

Somaliland is-beddelka ka socda geeska Afrika ee Dimuqraaddiyad leh, ee horumar dhaqaale leh ee is-kaashi leh cidna magan ugama aha ee waxay ka qaybgalaysaa iyada dal xor ah oo Somaliland la yidhaahdo ah.

Somaliland waa Qaran madax-bannaan iyo Xaqiiqo ka jirta Gobolka Geeska Afrika. Waa Qaran ku leh qeybtiisa  iyo miisaankiisa dhammaan go’aammada iyo isbeddelka ka socda Gobolka. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay wiiqaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beeg-sanayo Gobolka Geeska Afrika.

Dhawaan waxa aynnu maqalnay in la samaynayo ciidamada nabadgelyada badda Cas, waxan la yaabahannahay ragga Isteraatajiisteyaasha ah ee  fikradda leh ee gobolka katirsan ee doonaya inay badda cas nabadgelyadeeda xoojiyaan ee Somaliland ah dalka xeebta ugu badan ee badda cas, Somaliland marka laga tixgelin waayey xaggee baa loo wadaa, mise Somaliland cid baa xoog kaga qaadaysa xuquuqdeeda.

Arrinta nabad-gelyada Badda Cas ee hadda la hindisayo in ciidammo loo dhiso, waxaannu u aragnaa in Somaliland ka tahay tiir-dhexaad, sababtoo ah Somaliland waxay ku leedahay qayb weyn Badda Cas. Somaliland qaybta ay ku leedahay Badda Cas waxay dhan-tahay 850 Km, iyada oo kaliya ayaana ka arimisa.

Sidaas darteed, dhaq-dhaqaaq kasta oo ka jira Badda Cas, Somaliland waa in ay miisaankeeda ku yeelataa.

Geba-gabo

Shacabka xariirta ah ee Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay adkaystaan nabad-gelyadooda, midnimadooda iyo qaran-nimadooda, isla markaana, waa in ay u hilaadiyaan ubadkooda mustaqbal ifaya, caalamkana nabad-gelyo kula noolaadaan, cadowgoodana iska caabiyaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.