Cabdiraxmaan-Cirro Oo Ka Jawaabay Hadal Uu Madaxweyne Biixi Hawada U Mariyay Oo Ka Qayb Galka 18 May Ah

0
302

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka jawaabay hadal uu shalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi hawada u mariyay oo ahaa inuu mar uun ka qayb galo xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

Guddoomiye Cirro oo dalka dibadiisa ku maqan ayaa qoraal lagu baahiyay bar uu ku leeyahay facebook, wuxuu ugu horayn ku bogaadiyay shacabka Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa aan guud ahaan hambalyo iyo bogaadin weyn u dirayaa shacabkayga Somaliland ee dal iyo dibadba jooga gaar ahaana ciidanka qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda xuska 18-ka May oo ah maalin qarankani madax bannaanidiisii la soo noqday.

Walaalayaal maanta oo ah 18-ka May, waa maalin inagu weyn oo qaranku leeyahay, waa maalin gobonimo ku suntan, waa maalin mudan xurmeyn gaar ah iyo weyneyn, waa maalin aanay xisbiyada qaranku isu muuqan oo ay qaranimadu wax kast ka weyn tahay.

Joogisteyda 18-ka May ma xalaalaynayso xuskeeda, maqnaanshiiyahayguna xaaraantimeyn maayo!

Niyadsami ku xusa oo weyneeya maalintan weyn

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

GUUL & GOBANNIMO.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.