Shacabka Somaliland Oo Ku Jaho-wareeray Shirka Uu Turkigu Ku Dhexdhexaadinayo Labada Dal

3
562

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Shacabka reer Somaliland, ayaa u muuqda inay ku jaho-wareereen shirka dhexdhexaadinta ee ay dawladda Turkigu isugu keenayso Somaliland iyo Somaliya.

Dadweynaha reer Somaliland, ayaa markii ay maqleen dhawaaqa xukuumadda ee ku waajahan shirkaas Turkigu qabanayo waxa ay isweydiiyeen su’aalo badan oo aanay jawaab u helin. Dadka qaarkii ayaa isweydiiyay dhexdhexaadnimada dawladda Turkiga iyo weliba goorta uu ku soo dhex dhacay wada hadashiinta labada dal. Tusaale ahaan Prof. Cabdisalaam Yaasiin, oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah ayaa qoraal uu qoray ku muujiyay walaaca uu ka qabo dhexdhexaadnimada Turkiga.  “Waxaynu warbaahinta ku haynaa, oo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland sheegay, in dawladda Turkigu bishan Abriil ee aynu ku jirin badhtamaheed wada hadal u qabanayso Somaliland iyo Somalia. Haddii aanu nahay bulshada Somaliland su’aalo ayaanu ka leenahay wada hadalaa.

Turkigu maysagaa isu xil saaray inuu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Somalia?

Somaliland iyo Somalia ma waxa uu Turkigu ku dhexdhexaadinayaa inay yihiin laba dhinac oo siman oo wada hadlaya?

Madaxbanaanida Somaliland, ee aan gorortanka lahayn, Turkigu ma qaadanayaa?.”

Prof. Yaasiin, wuxuu qoraalkiisa xagga dambe ku yidhi sidan “Somaliland iyo Somalia Turkiga uma sina. Turkigu Somalia wuu aqoonsaday; Somaliland se ma aqoonsan. Wasiirka Kowaad ee Turkiga, Mud. Rajeb Dayib Ordogan, Mogadishu ayuu ka tegay; Somalilandna waxa Turkigu kala masuugay inuu u soo diro Ku-Xigeenka Wasiirka Dibedda. Halkaa waxa ka muuqata inaanay Turkiga Somaliland iyo Somalia u sinayn; Somalilandna u arkaan gobol Somalia ka mid ah. Aduunweynaha kalena sidaasi ayuu ilaa imka inoo arkaa.”

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa isna qaba doodan, “Turkigu kala go’ ma aamminsana. Innaga iyo Soomaaliya Turkiga uma sinnin. Haddana xukuumaddeennu waa ay ku faraxsan tahay in ay Turkiga tagto. Malahayga iyada tax-taxaashka iyo tamashlaha ayay kaga eg tahayba. Arrintani arrin sahlan ma aha. Waa waxaan is-dhiibid, weliba rakhiis ah aan dhaamin. Kala-hadalka xukuumadda ayaa kaaga daran:”

Xuseen Abokor, waa muwaadin reer Somaliland ah oo si weyn ula socda siyaasadda Somaliland, waxaanu noo sheegay inuu la yaabanyahay dhexdhexaadinta Turkiga ee ay dawladda Somaliland sheegtay. “Horta xukuumadeena deg deg ayaa ka muuqda, sababtoo ah iyadoon xataa Somaliya weli ogolaan ayay sii hor ordaysaa. Sida aan ogahay Turkigu maaha dawlad dhexdhexaad ah oo qaddiyadeena ka garniqi karta, aniga waxa igala dhawaa Ingiriisla la inagu dirayo ee la ina leeyahay shacabyahoow guddo iyo dibadba ku mudaharaada.” Sidaas ayuu yidhi muwaadinkani.

Hibaaq Jaamac, oo iyaduna ah hooyo degen Hargeysa, waxaanay iyadoo u warantay Geeska Afrika ay tidhi, “Hooyo horta anigu waan taageersanahay wax kasta oo uu Madaxweynuhu inagu hogaamiyo, waayo isagaynu dooranay, laakiin haddana waxyaabahan la sheegayo waa kuwo xusid mudan.”

Ka sokow aaraahda dadkan kooban aanu ka soo ururinay, shacabka Somaliland waxa ay shalay goob kasta ku hadal hayeen shirkan cusub ee ay xukuumadda Somaliland sheegtay inuu Turkigu qabanayo, kaas oo u muuqda inuu yahay mawduuc cusub oo ku soo biiray siyaasadda Somaliland. Hase yeeshe xukuumadda Somaliland ayaa laga sugayaa inay shacabkeeda ka shaafido su’aalaha ay iska weydiinayaan shirkan uu Turkigu ku dhexdhexaadinayo Somaliland iyo Somaliya.

Comments are closed.