Baashe Iyo Faysal Oo Ka Hadlay Wada Hadalka Turkiga Ka Bilaabmaya

0
588

 

Picture4Haregeysa(Geeska)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo dhaweeyay in la furo wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya.

Gudoomiye Baashe ayaa ugu horayntii waxa uu sheegay in madaxweyne Axmed Siilanayo uu la kulmay shirgudoonka labada gole, isla markaasna u soo bandhigay wada hadalada Somaliland ay la galayo Somaliya wajigiisii saddexaad, waxa sida oo kale uu xusay in dawalda turkigu Somaliland ka codsatay inay ka qaybgasho dhex dhexaadinta labada dal.

Sida oo kale gudoomiye Faysal Cali ayaa sheegay in mudo ah inay olole ugu jireen sidii wada hdaladu ay u furmi lahaayeen, waxaanu xusay inay wada hadalada taageerayaan hadii wadada toosan ay ku socdaan.

Waxa ay labadan masuul sidan u sheegeen weriye Xamse Cali Bulbul, oo ka tirsan telefishanka qaranka,  waxaana ugu horayntii gudoomiye Baashe Maxamed isaga oo arintaas ka hadlaaya uu yidhi“Madaxweynuu shalay [doraad] waxa uu u yeedhay labada shir gudoon ee golaha wakiilada iyo golaha guurtida arinkaas waa laga wada hadlay waana laysla qaatay in shirkaas laga qaybgalo, wada hadalkani waa uu socday oo waa kii London ka soo bilaabmay waxaana heshiiskii lagu soo kala saxeexday Dubai, kana waa qaybtii saddexaad oo dawlada Turkiga ayaa tidhi anaga ayaa idin dhex dhexaadinayna Somalilandna waxay goosatay wada hdal kasta oo dani ugu jirto Somaliland in laga qaybgalo, waxa laga wada hadalayaana waxa weeyaan labada dal ee walaalaha ah sidii ay u kala baxi lahaayeen. Dubai maalintii dhawayd cid lagula kulmay may jirin laakiin markii madaxweynuu uu tagay Turkiga ilaa imika waa ay soo taxnayd, dawalda Turkiga ayaana codsatay inay ka qaybgasho dhexdhexaadinta labada dal.”

Intaas ka dib gudoomiye Faysal Cali oo isaguna wada hadalada ka hadlaayay ayaa yidhi  “ Anigu saddex bilood ayaan u ololaynaayay wada hadalka waxaanan lahaa hadday ka dhab  tahay inamadan Damul-jadiid la baxay ee ah qaybta ka hadhay Al-shabaab iyo Al-Itaxaadkii. Wasiirka ayuun baa hadlay markaas marka naloo faahfaahiyo ee aan kala garano inuu kaanu u ololaynaynay uu yahay oo uu wadadii saxda ahayd haysto in kale, waxaanan u sheegaynaa inadan Banaadir ka dhex heesaya In aan Somaliland calankii ay taqaanay ee Coolooshooda u shaqaystayasha noo soo qaatay ee dadkaygii xasuuqay ee qaxoontiga naga dhigay aanaan marnaba ciidayada ka taagayn.”

Xukuumada Somaliland ayaa si rasmiya u shaacisay in wajigii saddexaad ee wada hadalada u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya uu laba todobaad gudahood ku qabsoomid doono dalka Turkiga.