Gudoomiyaha Hay’ada Qandaraasyada Qaranka Oo Ka Hadlay Baabuur Madaxtooyada Loo Soo Iibiyay Oo Ay Su’aalo Ka Dhasheen, Farriina U Diray Hay’adaha Dawlada

0
3967

 

Picture6Hargeysa( Geeska )-Gudoomiyaha gudiga qandaraasyada qaranka Md.Aadan Cabdilaahi Xasan( Nuugaal ), ayaa ugu baaqay wasaaradaha iyo guud ahaan haay’adaha dawlada inay ilaaliyaan sharciga isla markaasna ay wixii qandaraasyo ah soo mariyaan hayada qaranku uu u igmaday.

Gudoomiye Aadan waxa sida oo kale uu sheegay in  aanay wax war ah ka ahayn qaabka ay u soo iibsatay gaadiidka wasaarada madaxtooyadu, inkasta oo uu sheegay in gaadiidka ay soo iibsatay uu yahay  mid amni, arimaha amniguna ay yahiin kuwo qarsoodi ku fiican.

Waxa uu sidan ku sheegay gudoomiye Aadan Nuugaal  mar uu shalay waraysi kooban la yeeshay wargayska Geeska Afrika,waxaanu waraysigaas kaga war baxiyay xaalada gudida qandaraasyada qaranka, waxaanu waraysigaasu u dhacay sidan

Ugu horayntii wakhtigan siday u socdaan hawalaha gudida qandaraasyada bal warbixin  kooban naga sii ?

Gudida qandaraasyadu waad ogtahiin ayaan filayaa sida ay u shaqayso hore ayaananu wax badan warbaahin  ka sheegnay imikana sidii ayay u shaqaysaa, waana laga yaabaa in dhaliilo yar yari ay iska jiraan oo aadamhu wuu khaladaad badan yahay.

Gudida qandaraasyada hawsheedu sidii ayay u socotaa haddii aad aragtaan meel dhismayaal iyo wax wax ka socdaan waa mid gudidu ay ogtahay, waana laga yaabaa mashruuc iyo laba inay gudiga ka hordhacdo hase yeeshee marka danbe waa la saxaa arinkaas, tusaale ahaan dhawaan waxa jiray wasaaradan ciyaaraha waana la dhisayaa miisaaniyadana uguma jirto dhisme hadana waxa la yidhi hala dhiso markaas waa in loo keenaa ganacsade awood u leh inuu sii dhiso oo aan lacagna ka qaadan hadana in tartan la galiyo  xoogaabaad moodaa inay leedahay dhibaato, markaas baahibaa keentay mar marka qaarkood maadama oo ay tahay xili roobaad meesha ay ku jirtay wasaarada ciyaarahuna runtii aad ka naxayso oo aad is odhanayso waabay ku dumi doontaa, markaa in dagdag wax lagaga qabto ayay noqotay. Waxa laga yaabaa in mararka qaarkood aan wax badan la baahin waayo gaadiidka oo kale markay mid iyo laba yahiin macradadu waa ay nala soo xidhiidhaan oo iyagaaba og wasaarada hal gaadhi u baahan markaas ayaanu markaas sixirkaa si wanaagsan loo galaa iyo waxyaabahii kale.

Guddoomiye waxa jira gaadiid ay wasaarada madaxtooyadu soo iibsatay, kaas oo aan sidii sharcigu ahaa si siman loogu baahin ganacsatada dalka, wararka qaarna ay sheegayaan in la siiyay dad qaraabo la ah madaxtooyada, arimahaas maxaad ka ogtihiin?

Runtii angigu arinkaas ma ogi, waxa jira arimo sir ah oo dhanka amniga la xidhiidha  oo aan la doonayn in dadku wada ogaado, waayo hadduu dadku ogaado cadawguna waa uu ogaanayaa, waanan ogahay in ay jiraan 10 gaadhi oo hay’ada amnigu ay dirsatay oo la soo iibiyay, cida soo iibisayna aniga maaha mid I qusaysa, .anaguna arintaas waxba kama ogin  laakiin waxaanu oganahay in shirkadii laga dalban karo mar haddii ay gawadhidu mid cusub tahay anagaa ka dalban  karna ama wasaarada ay qusayso markaas mar haddii arin dhinaca amniga la xidhiidha ay tahay in sideeda loo daayo oo aan la baahin weeye.

Dad badan waxay u arkaan in dhinacyada laga dhaaf dhaafayo gudidii qanadaraasyada ee qaranka, markaas maxaad qaybaha kala duwan ee dawlada aad ugu baaqaysaa?

Qof waliba oo masuul ah waa uu ogyahay sharciga gudida qandaraasyada oo wasaaradahuna waa ay haystaan, waana in waxii 3000 dollar ka badan sharcigu waxa uu dhigayaa inay soo mariyaan gudida qandaraasyada, waana muhiim in wasiir kasta iyo agaasime kasta iyo waliba dawlahada hooseba inay waajib ku tahay inay gudigan soo mariyaan waxii sharcigu faraayo inay soo mariyaan, qofkii samayn waayana sharciga ayuunbaa qabanaaya.