Shabakadda Xidhiidhka Bulshada Ee Twitter Oo Bilaabaysa Tallaabooyin Ay Ku Xakamaynayso Qoraallada Siyaasiyiinta

0
697

Washington (Geeska)- Shirkadda Twitter ka ayaa khamiistii toddobaadkii hore ku dhawaaqday in ay xakamayn doonto, aadna u yarayn doonto farriimaha xeerarkeeda faafinta burinaya ee ay dadka muhiimka ah, sida siyaasiyiintu ay ku qoraan barahooda bulshada, tallaabadaas oo ay shirkaddu sheegtay in ay ku xaqiijinayso isu dheellitirnaanta xorriyadda hadalka iyo isla xisaabtanka.

Adeeg cusub oo hawsha xakamaynta faafinta ka shaqaynaya ayaa ay shirkaddu abuurtay, waxa aanay si gaar ah ula soconaysaa qoraallada siyaasiyiinta. Shirkadda Twitter ayaa sheegaysa in arrintan waxa ku kallifay uu yahay farriimaha anshaxa ka baxsan ee ay mararka qaarkood siyaasiyiintu qoraan.

Shirkadaha teknoolajiyadda iyo xidhiidhka bulshada ayaa marar kala duwan lagu eedeeyey in ay si gaar ah u ilaaliyaan Madaxweynaha Maraykanka oo lagu tiriyo siyaasiyiga adduunka oo dhan ugu isticmaalka badan Internet ka, isla markaana ay bartiisa twitter ka la socdaan 61 Milyan oo qof. Shirkadaha ayaa lagu dhaliilay sida aanay bartooda twitter ku u diidiin farrimaha caydka iyo aflagaadada ah ee mararka qaar uu ku faafiyo, iyada oo dakda kale ee caadiga ah loo diido.

Xeerka cusub ee shirkadda Twitter ku ay soo rogtay ayaa la sheegay in uu si gaar ah u xakamaynayo dadka twitter ka isticmaala ee dadka la socdaa ay gaadhayaan 100 kun oo qof. Waxa se ay shirkaddu ka afeefatay in weli ay dhici karaan in farriimaha qaar loo sii daayo dadka qaar xitaa iyaga oo meel kaga dhacaya xeerarka loo dejiyey faafinta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here