Ninka Yurub Ugu Dheeri Gawaadhida Ma Kaxaysto, Tareennadana Ma Raaco

0
901

Paris (Geeska)- Ibraahiim Taqi-ddiin oo ah 37 jir Faransiis ah oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Marooko ayaa ah ninka ugu dheer qaaradda Yurub, iyo ninka labaad ee ugu dheer dunida oo dhan. Ibraahim inkasta oo uu ku noolyahay dal horumarsan, haddana waxa jira caqabado badan oo dhinaca nolosha ka haysta, gaar ahaan deegaanka iyo kaabayaasha nolosha ee maalinlaha loogu baahan yahay.

Wargeyska Le Figaro oo ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa dhowaan qoray in Ibraahiim oo dhererkiisu uu yahay 2.46 mitir ay haysato dhibaato ah in uu ku qasban yahay in uu si joogto ah ula qabsado, duruufaha nololeed ee ku xeeran oo ay ka mid tahay in aanu cabbirka ku habboon ka heli Karin wax kasta oo noloshiisu u baahan tahay. Waxa ay xitaa dhibi ka haysataa dharka iyo kabaha, laakiin iyaga waa uu helaa.

Ibraahiim kabahaba waxa uu ka xidhaa 58 CM. Waxaana xiiso leh in ninkii u tolay kabaha uu xidhan yahay, markii uu cabbirka cagtiisa qaaday in uu u sheegay in qiimaha keliya ee kabo le’eg uu ku samayn karaa ay tahay 4 kun oo doolar, beerka keliay ee kabaha ah.

Dhibtu weli waa ay sii socotaa, oo Ibraahiim dhererkiisa awgeed tareennada ma raaci karo. Waxaa ka daran gaadiidka oo aanu dhererkiisa awgeed kaayn Karin, mar uu maamulka degmadiisa uga cawday gaadiid la’aantana waxaa loo sheegay in aan waxba loo qaban Karin.

Ibraahiim waxa uu sheegay in dhibta kale ee haysataa ay tahay quudhsi uu mararka qaarkood kala kulmo dadka. Waana Sababta ku kalliftay in isaga iyo dad kale oo dhaadheeri ay shantii sano ee u dambeeyey ka qaybqaataan socod ay dadka dhaadheeri magaalada Baariis ku dhex maraan, sannad kasta hal mar. Ujeedada socodkani waa keliya in indhaha dadku la qabsadaan dhererkan aan caadiga ahayn ee dadka qaar, si ay dadku ula qabsadaan.

Wargeyska Le Figaro waxa uu sheegay in Ibraahiim taqi-ddiin  uu koritaankiisu si xawaare ah u bilowday markii ay da’diisu 12 sano jirka ahayd, oo uu weli joogay deegaanka uu ku dhashay dalka Marooko. Shaybaadho sababta koritaankan lagu sameeyeyna waxa ay sheegayaan in ay tahay buro aan kansar ahayn oo jidhkiisa si xad ka bax ah ugu sii deynaysa dheecaannada koritaanka.

Taqiddiin oo dareenkiisa ka hadlaya ayaa sheegay in uu mar kasta is weydiin jiray goorta uu koritaankiisu joogsan doono, illaa uu aakhirkii halkan imika soo gaadhay.

Sannadkii 2017 kii ayaa uu Ibraahiim u safray dalka Faransiiska, waxa aanu ka shaqeeyaa shaqo aan xidhiidh toos ah la’ lahayn aqoonta iyo xirfadda uu leeyahay.

Ibraahiim waxa uu deggen yahay guri loo dhisay si ku habboon dhererkiisa, tusaale ahaan qolka saqafkiisa sare waxaa la gaadhsiiyey saddex mitir, waxaana u taalla sariir dhererkeedu yahay 2.8 mitir, iyo barkadda suuliga uu ku maydhanayo oo laga dhigay 2.5 Mitir. Gurigan waxaa ugu deeqay dhismihiisana ka bixiyey agaasimaha goob carruurta lagu ciyaarsiiyo oo uu ka shaqeeyo.

Ibraahiim Taqiddiin, dhererkiisa iyo qaab dhismeedka jidhkiisa ayaa uu ka dhigtay jid uu u maro shaqada uu noloshiisak u dabbaro. Waxa uu mararka qaarkood kooxaha fanka kala qaybgalaa masraxiyadaha ay soo bandhigayaan. Mar waxaabu ka qayb qaatay masraxiyad laga metelay hoggaamiyihii Faransiiska ee De Gaulle.

Si uu ugu ekaado Janaraal De Gaulle waxa xidhay labbiska ciidamada, sababta loogu doortayna waxa ay ahayd De Gaulle oo ahaa nin aad u qara weyn. Ibraahiim Taqiddiin waxa uu hadda ku mashquulsan yahay soo saarista masraxiyad cusub.

Inkasta oo burada ku beeran Ibraahiim lagu sheegay in aanay kansar ahayn, haddana waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in dhererkiisu uu ku hayo khataro ay ka mid tahay wadne xanuun daran, kelyaha oo laga cabsi qabo iyo guud ahaan noloshiisa oo caafimaad ahaan dhakhaatiirtu ka dayrinayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here